RASMI: Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada 11-Aad Ee Premier Leaque Oo lagu Dhawaaqay -Ayaa Dhex Dhexaadin Doona Man City Vs Arsenal Iyo Chelsea Vs Man United?

Maamulka horyaalka Premier Leaque ayaa ku dhawaaqay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada 11 aad ee iyada oo la ciyaari doono kulamadii xili ciyaareedkan ugu xiisaha badnaa ee hal usbuuc ay afar kooxood oo waa wayni wada ciyaarayaan. Waxaa jira kulamo ay tahay in aad meel ku sii qoroto oo aad u xiiso badan kuwaas oo saamayn wayn ku yeelan kara kala saraynta Premier Leaque.

Kulamada 11-aad ee Premier Leaque ayaa la ciyaari doonaa sabtida November 4 iyo Axada November 5 iyada oo uu sii socon doono dagaalka adag ee loogu jiro koobka Premier leaque. Kulanka Manchester City ay Etihad Stadium ku soo dhawayn doonto kooxda Arsenal ayaa loo doortay in uu dhex dhexaadiyo garsoore Michael Oliver kaas oo ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican horyaalka Premier Leaque.

Dhinaca kale kulanka ay Antonio Conte iyo Jose Mourinho isku haleeli doonaan Stamford Bridge ee isna axada la ciyaari doono waxaa loo doortay garsoore Anthony Taylor kaas oo sidoo kale ka mid ah garsoorayaasha UEFA la shaqeeyo ee isla caawa dhex dhexaadin doona kulanka Barcelona iyo Olympiakos.

Kulanka ay Liverpool booqan doonto kooxda West Ham waxaa loo doortay in uu dhex dhexaadiyo garsoore Neil Swarbrick. Haddaba halkan kaga bogo hdamaan garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada 11 aad ee horyaalka Ingiriiska.

Kulamada Sabtida November 4

 Stoke v Leicester (Sky Sports)
Garsoore:  Bobby Madley

Huddersfield v West Brom
Garsoore: Roger East

Newcastle v AFC Bournemouth
Garsoore: Paul Tierney

Southampton v Burnley
Garsoore:  Lee Probert

Swansea v Brighton
Garsoore:  Mike Dean

West Ham v Liverpool (BT Sport)
Garsoore:  Neil Swarbrick

Kulamada Axada November 5

Spurs v Crystal Palace (BT Sport)
Garsoore:  Kevin Friend

Man City v Arsenal (Sky Sports)
Garsoore:  Michael Oliver

Chelsea v Man Utd (Sky Sports)
Referee: Anthony Taylor

Everton v Watford
Garsoore: Graham Scott

Comments

comments