RASMI: Garsooraha Dhex Dhexaadin Doona Kulanka London Derby Ee Arsenal vs Tottenham Oo La Shaaciyay & Jamaahiirta Labada Dhinac Oo Aan Ku Farxin.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka muhiimka ah ee London Derby ee u dhaxeeya kooxaha isku ah waqooyiga London ee Arsenal iyo Tottenham.

Garsooraha muranka badan dhaliya ee Mike Dean ayaa loo igmaday inuu dhex dhexaad ka noqdo kulanka London Derby waana shaqsi aysan labada dhinacba ka haysan xusuuso wanaagsan.

Dean ayay caawin doonaan  Darren Cann iyo Dan Robathan halka uu garsooraha afraad ee kulanka Emirates Stadium  noqon doono David Coote.

Dean ayaa dhex dhexaadiyay isla kulankan xilii ciyaareedkii hore markaas oo ay Gunners ku adkaadeen 2-0 iyaga oo goolashaas uga mahad celinaya Shkordan Mustafi iyo Alexis Sanchez waana sababta murugada gelinaysa jamaahiirta Spurs.

SIDOO KALE AKHRISO:  XASAASI: Real Madrid Oo PSG U Gudbisay Dalab Ka Wanaagsan Kuwii Laga Soo Diiday Barcelona & Nooca Jawaabta Ay Heshay Oo La Ogaaday.

Dhinaca kale, Mucaashaqiinta Arsenal ayaan marnaba ku farxin in kulan kooxdooda ah uu dhex-dhexaadiyo Dean xilli wiilasha Unai Emery ay maanka ku hayaan inay guul ka helaan kooxdan ay xifaaltamaan.

Sababta ugu weyn ee taageerayasha Arsenal ku qasbaysa inay iska nacaan in kulankan loo doortay Mike ayaa ah inaysan ku qancin qaabkii uu usoo garsooray kulamo hore oo ay soo ciyaareen.