RASMI: FIFA Oo Ku Dhawaaqday Liiska Tobanka Musharax Ee Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican Ee “The Best” Iyo Xidig Si Layaableh Liiskan Looga Dhex Waayay!

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska tobanka musharax ee u taagan abaal marinta xidiga sanadkan 2018 ugu fiican kubbada cagta aduunka ee The Best waxaana liiskan laga badalay 23 kii uu hore u ahaan jiray waxaana lagu soo koobay 10 musharax oo kaliya iyada oo saddexda xidig ee ugu cod badnaadaa ay ka soo qayb gali doonaan xaflada abaal marinaha FIFA ee London ka qabsoomi doonta.

Cristaino Ronaldo iyo Lionel Messi oo tobankii sano ee ugu danbeeyay ku soo xifiltamayay abaal marinaha ugu qaalisan ayaa markale liiska tobanka musharax ee abaal marinta FIFA ee The Best ku soo wada baxay waxaana liiskan ku jira xidigo aan hore heerkan u soo gaadhin.

Waxaa liiska tobanka musharax ee abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ku soo wada baxay saddex xidig oo xulka qaranka France kula soo guulaystay koobka aduunka waxayna kala yihiin Raphael Varane, Antoine Griezmann iyo da’yarka Kylian Mbappe.

Kevin De Bruyne iyo Eden Hazard oo xulka qarankooda Belgium kaalinta saddexaad ee koobka aduunka soo gaadhsiiyay ayaa liiskan ku soo baxay waxaana sidoo kale liiskan ku jira Luka Modric oo isna xulka qarankiisa Croatia markii ugu horeeyay gaadhsiiyay finalka koobka aduunka.

Lionel Messi oo kooxdiisa Barcelona labada koob ee La Liga kula soo guulaystay iyo Cristiano Ronaldo oo Champions League la soo qaaday Madrid ayaa liiskan kula jira Mohamed Salah oo wacdaro ka soo dhigay Premier Leauge iyo Harry Kane oo koobka aduunka iyo Premier league bandhig wayn ku soo sameeyay.

Laakiin waxaa si layaableh liiskan looga dhex waayay Neymar Jr oo la filayay in uu ka soo muuqan karo tobanka xidig ee abaal marintan u sharaxan. Laakiin xidiga ree Brazil oo saddex bilood dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa PSG isla markaana aan koobkii aduunka bandhig fiican ku samayn ayaa halkii uu ka filayay in uu abaal marintan ugu guulaysto PSG waxa uu gabi ahaanba ka maqan yahay liiska tobanka musharax ee The Best.

Liiska Tobanka Musahrax Ee Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican U Tartamaya Oo Dhamaystiran:

⇒Cristiano Ronaldo- Juventus

⇒Kevin De Bruyne ⇒ Man City

⇒Antoine Griezmann ⇒ Atletico Madrid

⇒Eden Hazard ⇒ Chelsea

⇒Harry Kane ⇒ Tottenham

⇒Kylian Mbappe ⇒ PSG

⇒Lionel Messi ⇒ Barcelona

⇒Luka Modric ⇒ Real Madrid 

⇒Mohamed Salah ⇒ Liverpool

⇒Raphael Varane⇒ Real Madrid

Iyada oo lagu jiro sanad la ciyaaray koobkii aduunka ee Russia 2018 ayaa la sugayaa haddii sidii sanadihii 2010 kii iyo 2014 kii ay xidigo aan koobka aduunka ku guulaysan ay abaal marintan hanan doonaan iyo haddii xidiga ree France ay sanadkan naasiib u yeelan doonaan in ay abaal marintan ku guulaystaan.

Markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2008 kii ee abaal marinaha xidiga sanadka ugu fiican kubbada cagta aduunku ay noqotay mid si wayn u furan maadaama oo ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo sanadkan arkayaan xidigo si wayn ugu dhaw in ay ku guulaysan karaan.

Haddaba akhriste, xidigee ayaad filaysaa in uu sanadkan ku guulaysan doono abaal marinta xidiga sanadka ee kubbada cagta aduunka ugu fiican ee The Best kaas oo abaal marintan la gudoon siin doono September 24,2018 markaas oo xaflad wayn lagu qaban doono magaalada London?.

9 Comments

Comments are closed.