RASMI: Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyga Barcelona Ee Kulanka Real Valladolid

Tababaraha kooxda Barcelona, Ernesto Valverde ayaa soo saaray liiska ciyaartoyga kooxdiisa ee kulanka Sabtida ay iskaga hor iman doonaan Real Valladolid horyaalka LaLiga.

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku martigelin doonta kooxda uu dhawaanta iibsaday halyeygii reer Brazil ee Ronaldo, waxaana ugu xigi doonto Lyon oo ay wareegga 16-ka tartanka Champions League isku haleeli doonaan Salaasada toddobaadkan.

Liiska xiddigaha Barcelona ee uu shaaciyey tababaruhu, waxa kaliya oo ka dhiman difaacyahanka reer France ee Samuel Umtiti oo dhaawaca muddo dheer ah ku maqan, waxaana hoggaaminaya laacibka reer Argentine ee Lionel Messi oo ay wehelinayaan Luis Suarez, Dembele, Coutinho iyo Malcom.

Barcelona oo kulamadii ugu dambeeyey guushu ku adkaatay, isla markaana lix dhibcood oo kaliya ka horreysa Real Madrid oo ku soo xigta, laba toddobaad ka horna ay toban dhibcood ka horreysay, ayaa waxay u halgami doontaa inay jidka guusha kusoo laabato ka hor inta aanay waajihin Lyon.

Liiska xiddigaha Barcelona oo dhamaystiran:

Ter Stegen, Inaki Pena, Semedo, Sergi Roberto, Piqué, Lenglet, Vermaelen, Jordi Alba; Busquets, Rakitic, Coutinho, Alena, Arturo Vidal; Messi, Luis Suarez, Dembele, Malcom iyo Boateng.