RASMI: Ernesto Valverde Oo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Las Palmas Iyo Xidiga Ku Liiskan Ku Soo Baxay.

Barcelona ayaa soo qaadatay tababarkii ugu danbeeyay ee kulankan ay Camp Nou kula ciyaari doonto kooxda Las Palmas wuxuuna kadib Ernesto Valverde soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulankan uu kala hor tagi doono. Ernesto Valverde ayaa sheegay in uu doonayo sidii iyaga oo aan wax guuldaro ah arkin ay ugu bixi lahaayeen fasaxa kulamada caalamiga ah.

Barcelona ayaa soo dhawaynaysa kooxda Las Palmas oo lix kulan ka soo heshay lix dhibcood halka kooxda Ernesto Valverde ay soo wada guulaysatay dhamaan lixdii kulan ee ay La Liga ka soo ciyaartay waxayna Barcelona doonaysaa in ay gaadho guusheedii 7 aad ee La Liga oo xidhiidh ah ama guusheedii 9 aad oo xidhiidh ah ee tartamada oo dhan.

Ernesto Valverde ayaan markale liiska kooxdiisa ku soo darin Paco Alcacer kaas oo Balaugrana aan liiskeeda ku soo bixin tan iyo wixii ka danbeeyay kulankii Alaves, laakiin sidoo kale waxaa liiskan ka maqan Arda Turan oo aan hal kulan lagu soo darin liiska kooxda Ernesto Valverde.

Lucas Digne ayaa markan isna ka maqan liiska Barcelona ee kulanka Las Palmas laakiin Gerard Deulofeu oo liiska Barcelona ka maqnaa kulaadii Girona iyo Sporting Lisbon ayaa liiska hadda ku soo baxay balse Valverde ayaa soo xushay dhamaan xidigaha shaxdiisa muhiimka ka ah.

LIISKA BARCELONA EE KULANKA LAS PALMAS:Ter Stegen, Cillessen; Semedo, Pique, Mascherano, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta, Sergi Roberto, Paulinho, Andre Gomes; Messi, Luis Suarez, Deulofeu, Denis Suarez iyo Aleix Vidal.