RASMI: Ernesto Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Athletic Bilbao Ee Furitaanka La Liga-Miyuu Lionel Messi Ku Jiraa?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu ku shaqayn doono kulanka furitaanka horyaalka La Liga ee ay habeen danbe wajihi doonaan kooxda Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa kulankeeda ugu horeeya ee rasmiga ah ee xagaagan waxay San Mames ku booqan doontaa kooxdii hore ee Valverde uu ka soo wareegay ee Bilbao waana kulan aad u adag oo ay Barca xaalad adag wajihi karto.

Valverde ayaa go’aan ku gaadhay in aanu Lionel Messi wax halis ah galin, wuxuuna ka reebay liiska ciyaartoyda uu kulanka San Mames u soo xushay.

Saxiixyada cusub ee Antoine Griezmann, Junior iyo De Jong ayaa dhamaantood ka soo muuqday liiska Valverde magacaabay waxayna fursad u haystaan in ay kulankoodii ugu horeeyay ee rasmi ah ay ciyaaraan.

Rafinha oo inta badan xili ciyaareedkii la soo dhaafay dhaawac ku maqnaa isla markaana aan mustaqbalkiisa wali la go’aamin ayaa liiskan ka soo muuqday.

Philippe Coutinho oo fasaxii xagaaga ku soo daahay ayaa liiskan ku soo baxay laakiin Arturo Vidal ayaan liiskan ku jirin.

Waxa kale oo liiskan uu Valverde soo saaray ka maqnaaday Arthur Melo iyo ciyaartoyda da’yarka ah ee Wagué iyo Todibó.

Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee uu Valverde u Soo Xushay Kulanka Bilbao: