RASMI: Eden Hazard Oo Ka Gudbay Tijaabada Caafimaadka Kooxdiisa Cusub Ee Real Madrid.

Eden Hazard ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka kooxdiisa cusub ee Real Madrid kadib markii uu maanta ku sugnaa xafiisyada Santiago Bernabeu wuxuuna hadda diyaar u yahay in si rasmi ah saxaafada iyo taageerayaasha loogu soo bandhigi doono.

Real ayaa isla shalay uun tijaabada caafimaadka marisay weeraryahankeeda cusub ee Luka Jovic iyaga oo sidoo kale usoo bandhigay jamaahiirtii ku sugnayd Santiago Bernabeu.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in Hazard lagu soo bandhigi doono gegidaas iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in loo qorshaynayo soo dhawayn ka balaadhan midii 10 sano kahor loo sameeyay Cristiano Ronaldo.

Hazard ayaa heshiis lacagtiisu u dhaxayn doono 100 ilaa 130 Milyan kaga soo wareegaya kooxdii uu toddobada sano ee guusha ah lasoo qaatay ee Chelsea si uu u rumeeyo riyadiisii carruurnimo ee ahayd matalista Real Madrid.

28 jirkan ayaa la filayaa inuu wax badan ka qaban doono xaalada hoggaamiye la’aaneed ee Los Blancos la hadhay xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay si weyn ugu jabeen bixitaankii Ronaldo.

Hazard ayaan marnaba lahayn awooda gool dhalineed ee Ronaldo oo cel celis ahaan xilli ciyaareedkii dhalin jiray 50 gool balse inuu 21 gool soo dhaliyay xilli ciyaareedkii dhawaa ayaa wax weyn ku kordhin doonta safka weerarka ee kooxdiisa cusub.

Mid kamid ah caddaymaha xilli ciyaareedkii dhawaa ee muujinaya in Madrid ay u baahnayd gool dhaliye ayaa ahaa inay guud ahaan 63 gool oo kaliya soo dhaliyeen waana rekoodhkoodii ugu xumaa ee qarnigan 21-aad.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa si layaableh u soo dhaweeyay Eden Hazard laakiin markii uu si guulaysatay u maray tijaabada caafimaadka waxay sugayaan in Bernabeu lagu soo bandhigo.