RASMI: Doodii Kulanka El Clasico Ee Barcelona & Real Madrid Oo Si Rasmi Ah Loo Dhamaystiray-Goormaa La Ciyaari Doonaa?

Advertisements

Waxaa ugu danbayn si rasmi ah loo go’aamiyay doodii iyo isjiid-jiidhkii xidhiidhka kubbada cagta Spain iyo maamulka horyaalak La Liga ee ka taagnayd waqtiga la ciyaarayo kulanka heerka kooxaha kubbada cagta ugu wayn ee El Clasico.

Kadib markii ay rabshado badani ka dhaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia, waxaa qasab noqotay in la kansalay waqtigii la ciyaari lahaa kulankii El Clasico ee Camp Nou ka qabsoomi lahaa October 26.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa ka soo hor jeedsaday waqtigii loo badalay kulanka Barcelona iyo Real Madrid laakiin kadib maalmo badan oo lays haystay waxaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqay waqtiga iyo taariikhda rasmiga ah ee kulanka El Clasico-da.

Markii kulanka El Clasico loo badalay December 18 waxaa shaki wayni ka soo baxay in xuquuqda baahinta TV-yada ee Copa del Rey iyo Club World Cupku ay isku dhacayaan taas oo maamulka La Liga ay doonayeen in waqti saddexaad loo badalo kulankan.

Advertisements

Laakiin ugu danbayn waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in kulanka kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay qabsoomi doonaan maalinta arbacada ee December 18 ay noqon doonto maalinta kama danbaysta ah ee ay Madrid iyo Barca wada ciyaari doonaan marka ay saacadu tahay 20:00 CET.

Waxa uu go’aankani ugu danbayn xaliyay shakigii ku xeer naa in markii labaad la badali karayay waqtigan laakiin hadda Barcelona iyo Real Madrid ayaa go’aanka kama danbaysta ah la siiyay.

Markii go’aankan la shaaciyay waxay Barcelona iyo Real Madrid ay barahooda bulshada dhinacooda kaga dhawaaqeen in waqtiga kama danbaysta ah ee kulankoodu noqday December 18.


Inkasta oo la badalay waqtigii hore ee kulanka Barcelona iyo Real Madrid, haddana ma jirto wax isbadal ah oo lagu sameeyay dhinaca garoonka iyada oo kulanka hore ee El Clasico ee xili ciyaareedkan sidii la qorsheeyay uu Camp Nou ka qabsoomi doono.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta la ciyaarayo kulanka El Clasico-da waxaa jiri doona kulamada afar dhamaadka koobka kooxaha aduunka ee Club World Cup oo ay Liverpool ku lug yeelan doonto si la mid ah Copa Del Rey.

Advertisements