RASMI: Difaacii Kooxda Chelsea Ee Nathan Ake Oo Kooxda Bournemouth Ugu Biiray Lacag Rekoodh Cusub Ah Iyo Heshiiskiisa Oo La Dhamaystiray.

Kooxda Bournemouth ayaa si rasmi ah u dhaaystirtay saxiixa difaacii kooxda Chelsea ee Nathan Ake kaas oo horeba kooxdeeda wacdaro ugu soo bandhigay markii uu heshiiska amaahda ah ku joogay. Kooxaha Chelsea iyo Bournemouth ayaa ka heshiisyay iibka Ake kaas oo ay Bournemouth rekoodh cusub ugu dhigtay suuqa kala iibsiga kooxdeeda.

Markii uu heshiiska Bournemouth qalinka ku duugay ayuu Nathan Ake dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu halkan waqti fiican ayaan ku soo qaatay xili ciyaareedkii hore , sidaa daraadeed xaqiiqdii waan ku faraxsanahay in aan soo laabtay.Waa tartan xiiso leh. Chelsea waa koox wayn isla markaana aan wax aad u badan ka kaga soo bartay halkaas laakiin tani waa talaabo cusub iyo goobtii anigu igu haboonayd ee aan horumar badan ku samayn lahaa”.

Bournemouth ayaa xidigan ku kharash garaysay 20 milyan oo gini waana lacagtii ugu badnayd ee ay ciyaartoy kula soo wareegtay. Chelsea ayaa lacag badan ka urursatay iibka xidigaha Asmir Begovic, Juan Cuadrado, Christian Atsu , Bertrand Traore iyo Nathan Ake kuwaas oo ay ka soo xaraysay 62 milyan oo gini waana lacag uu Antonio Conte ku kordhisan doono kharashkii uu suuqa kala iibsiga u diyaarsaday.

Tababaraha kooxda Bournemouth ee Eddie Howe ayaa in heshiis rasmi ah ay kooxdiisu kula wareegto Nathan Ake sii diwaan gashaday markii uu Antonio Conte xidigan uga yeedhay Bournemouth oo uu amaah ku joogay markaas oo uu macalinka ree Talyaani u baahday in uu Nathan Ake ku xoojiyo difaaciisa markii ay Blues u dagaalamaysay koobka Premier Premier leaque.

Nathan Ake ayaa shan kulan oo kaliya ka soo muuqday kooxda Antonio Conte kadib markii looga yeedhay in uu heshiiskii amaahda ahaa ee Bournemout uu ka soo laabto  waxayna hadda maamulka Chelsea go’aansadeen in Nathan Ake uu heshiis rasmi ah oo 20 milyan oo gini ah uu ugu biiro Bournemouth oo ay hore Chelsea uga iibisay goolhaye Asmir Begovic.

Comments

comments