REKOODH: Cristiano Ronaldo Oo Noqday Ciyaartoygii Ugu Horeeyay Ee Markii Shanaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Goal50, Lionel Messi Oo Kaalinta Afraad Galay Iyo Xidigo Cusub Oo Sanadkan Soo Baxay.

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta sanad laha ah ee Goal 50 isaga oo Ronaldo noqday xidigii abid ugu horeeyay ee markii shanaad abaal marintan ku guulaystay. Ronaldo ayaa Lionel Messi kaga hor maray in uu noqday xidiga kaliya ee markii shanaad ku guulaystay abaal marinta Goal50.

Cristiano Ronaldo ayaa difaacday abaal marinta Goal50 oo uu sanadkii hore ee 2016 ku soo guulaystay. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa min afar jeer hore ugu soo guulaystay abaal marinta Goal50 laakiin xidiga ree Portugal ayaa markan helay abaal marintiisii shanaad ee Goal50 kadib markii uu Los Blancos ka soo caawiyay in ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysato koobka Champions Leaque.

Goolhayaah halyayga ah ee kooxda Juventus ee Gianluigi Buffon oo xalay isaga oo ooyaya ku dhawaaqay in uu kubbada cagta heerka caalami ka fadhiistay ayaa kaalinta labaad ka galay qiimaynta iyo codbixintii Goal.com ee abaal marinta Goal50 isaga oo ka mid noqday xidigaha ugu sareeya sanadkan ee aduunka ugu fiican.

Waxyaabaha cajiibka ah qiimayntan ka soo baxay waxaa ka mid ah in Luka Modric uu kaalinta saddexaad ka soo galay qiimaynta Goal50 ee 50 ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 aduunka ugu fiican laakiin sidoo kale N’Golo Kante oo sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku soo guulaystay koobka Premier Leaque ayaa isna kaainta 8 aad soo galay laakiin Klyian Mbappe oo wacdaro soo gadhigay ayaa abaal marin u helay kaalinta 7 aad ee xidigaha sanadkan aduunka ugu fiican.

Cristiano Ronaldo ayaa 25 gool ku soo dhaliyay 29 kulan oo uu ka soo ciyaaray horyaalka La Liga si uu kooxdiisa Los Blancos uga caawiyo in ay koobka La Liga ku soo guulaysto markii ugu horaysay muddo shan sano ah kadib wxuuuna sidoo kale 12 gool ka soo dhaliyay Champions Leaque oo uu sabab wayn ku lahaa in Madrid ay difaacatay koobka Premier Leaque.

Laakiin Lionel Messi oo tan iyo markii abaal marintan la bilaabay ka soo tartamayay ayaa sanadkan kaalinta 4 aad u dahcay inkasta oo uu yahay xidiga sanadkan 2017 goolasha ugu badan soo dhaliyay isla markaana xili ciyaareedkii hore 37 gool ugu soo guulaystay kabta dahabka ah ee yurub iyo gool dhalinta La Liga si la mid ah in Copa Del Rey uu ka soo caawiyay kooxdiisa Balaugrana.

Luis Suarez oo sanadkii hore kaalinta labaad galay ayaa sanadkan u dhacay kaalinta 20 aad laakiin waxaa jira ciyaartoy badan oo liiskan iska dhex waayay halka ciyaartoy badan oo bandhiga fiican sameeyay ay boos ka heleen 50 ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican.

Haddaba halkan kaga bogo liiska 50 ka Ciyaartoy Ee Sanadkan 2017 Aduunka Ugu Fiican Oo Dhamaystiran Iyo Mid Kastaaba Kaalinta Uu Ku Jiro:

50. Thomas Lemar

49. Bas Dost

48. Naby Keita

47. Diego Costa

46. David de Gea

45. Mario Mandzukic

44. Cesar Azpilicueta

43. Philippe Coutinho

42. Benjamin Mendy

41. Fabinho

40. Gonzalo Higuain

39. Alex Sandro

38. Marco Asensio

37. Dele Alli

36. Manuel Neuer

35. Christian Eriksen

34. Romelu Lukaku

33. Dani Carvajal

32. Sadio Mane

31. Paul Pogba

30. Radamel Falcao

29. Bernardo Silva

28. David Luiz

27. Alexis Sanchez

26. Casemiro

25. Dries Mertens

24. Ousmane Dembele

23. Antoine Griezmann

22. Edinson Cavani

21. Zlatan Ibrahimovic

20. Luis Suarez

19. Robert Lewandowski

18. Pierre-Emerick Aubameyang

17. Harry Kane

16. Thiago Alcantara

15. Leonardo Bonucci

14. Dani Alves

13. Isco

12. Eden Hazard

11. Marcelo

10. Toni Kroos

9. Paulo Dybala

8. N’Golo Kante

7. Kylian Mbappe

6. Neymar

5. Sergio Ramos

4. Lionel Messi

3. Luka Modric

2. Gianluigi Buffon

1. Cristiano Ronaldo

Halkan Kaga Bogo Qaabkii Loogu Soo Kala Guulaystay Abaal Marinta Goal 50 Tan iyo Sanadkii 2008 kii:

Sanadkii: 2008- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Cristiano Ronaldo- Man United

Sanadkii: 2009- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Lionel Messi- Barcelona

Sanadkii: 2010- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Wesley Sneijder- Inter Milan

Sanadkii: 2011- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Lionel Messi- Barcelona

Sanadkii: 2012- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Cristiano Ronaldo- Real Madrid

Sanadkii: 2013- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Lionel Messi- Barcelona

Sanadkii: 2014- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Cristiano Ronaldo- Real Madrid

Sanadkii: 2015- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Lionel Messi- Barcelona

Sanadkii: 2016- Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Cristiano Ronaldo- Real Madrid

Sanadkii: 2017-Abaal Marinta Goal 50 Waxaa Ku Soo Guulaystay- Cristiano Ronaldo- Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayaa markale u muuqda in sanadkii labaad oo xidhiidh ah uu wada urursanayo abaal marinaha shaqsiga ah isaga oo haddaba ku soo guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee ‘The Best’ oo ay FIFA bixisay wuxuuna raacsaday abaal marinta Goal50 oo uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee shan jeer ku guulaystay, laakiin sidoo kale xidiga ree Portugal ayaa ugu cad cad in uu ku guulaysan karo abaal marinta Ballon d’Or oo uu sanadkii hore iyadana soo qaaday markii afraad.

Xidigo badan oo liiskan 50 ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican hore ugu soo bixi jiray ayaa sanadkan iska dhex waayay waxaana ka mid ah Andres Iniesta, Gareth Bale, Sergio Aguero iyo xidigo magac wayn oo la mid  ah laakiin xidigo ay ka mid yihiin Naby Keita, Ousmane Dembele, Kylian Mpbappe ayaa noqday jiilka cusub ee xidigaha magaca wayn sanadkan booska ka riixday.

Comments

comments