RASMI: Chelsea Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawacii Gaadhay Ruben Loftus-Cheek & Jamaahiirta Oo Walwal U Bilawday.

Kooxda Chelsea ayaa warbixin caafimaad oo rasmi ah kasoo saartay xaalada da’yarka khadka dhexe ee kooxdeeda ee Ruben Loftus-Cheek kaas oo ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee ay lasoo ciyaareen New England Revolution.

Chelsea ayaa kulankaas u tagtay si ay usoo ciyaarto iyadoo looga soo horjeeday yuhuud nacaybka balse waxaysan marnaba qorshaha ku darsan in Loftus-Cheek uu garoonka uga bixi doono dhaawac xaqiiqdii halis weyn u muuqda.

Ruben ayaa qaybtii dambe kulanka bedel ku yimid waxaana uu garoonka kaliya kusii waaray 20 daqiiqo iyadoo kooxda caafimaadka ee Chelsea ay ka caawiyeen inuu garoonka kasoo baxo.

Ruben Loftus-Cheek oo mudooyinkii ugu dambeeyay muhiim kasoo noqday safka tababare Maurizio Sarri ayay haatan Chelsea ka sheegtay war naxdin weyn ku ah jamaahiirteeda kahor Final-ka Europe League ee ay magaalada Baku kula yeelan doonaan Arsenal.

Blues ayaa shaaciyay in xiddigani uu la kulmay dhaqtar isla markaana uu mari doono dhaawac kaddib markii la xaqiijiyay in dilaac uu ka gaadhay qaybta dambe ee cagta (Boqonta).

Warbixinta Chelsea ayaa odhanaysay “Ruben Loftus-Cheek waxa uu la kulmay dhakhtar takhasus ah maanta (Khamiistii) waxaana uu fiidnimadan qaliin ka mari doonaa boqontiisa dilaacday”

“Khadkan dhexe waxa uu garoonka ka baxay intii lagu gudo jiray qaybtii dambe ee kulankii shalay ee Boston, USA”

Arinta ugu weyn ee kulankaku haysa Loftus Cheek ayaan kaliya ahayn Final-ka EL balse waxa ay sidoo kale u badan tahay inuu seegi doono Final-ka League of Nations ee xulkiisa England la yeelan doono qaranka Netherlands.

In laga soo kabto dhaawac boqonta ah ayaan ahayn wax marnaba sahlan waxaana haatan loo badinayaa in xilli ciyaareedkii Loftus-Cheek uu sidaas kusoo dhammaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintan ayaa ah mid si weyn uga sii xanaajin doonta jamaahiirta Chelsea ee marka horeba sida xun ugu caayay maamulka kooxdooda sababta ay kulankaas u aqbaleen.