RASMI: Chelsea Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Xaalada Xidigii Coronavirus La Xanuunsanayay Ee Callum Hudson-Odoi.

Kooxda Chelsea ayaa hadda warbixin caafimaad oo rasmi ah ka soo saartay xaalada caafimaad ee xidiga kooxdeeda ee Callum Hudson-Odoi kaas oo ka soo kabsaday xanuunkii coronavirus ee dhawr todobaad ka hor ku dhacay.

Chelsea ayaa war fiican la wadaagtay taageerayaasha kooxdeeda kadib markii ay xaqiijisay in Callum Hudson-Odoi uu si buuxda uga soo kabsaday coronavirus isla markaana uu hadda ku soo laabtay xaaladiisii caadiga ahayd.

Waxay ahayd March 13 markii ay taageerayaasha Chelsea maqleen warkii ugu xumaa ee ay kooxdoodu shaacisay in Callum Hudson-Odoi uu ku dhacay caabuqa coronavirus laakiin hadda waxa uu noqday mid si buuxda u soo bogsaday.

War rasmi ah oo ka soo baxay Chelsea oo looga hadlay xaalada da’yarka Callum Hudson-Odoi ayaa ciwaan looga dhigay: ” War fiican oo dheeraad ah ee ka soo kabsashada Callum Hudson-Odoi ee COVID-19″.

Kadib xogta iyo faah faahinta ay Chelsea taageerayaasheeda ka siisay xaalada Callum Hudson-Odoi ayaa lagu yidhi: “Waxaanu ku faraxsanahay in aanu ka warbixino in Callum Hudson-Odoi uu hadda dareemayo wanaag isla markaana uu naftiisii caadiga ahayd ku soo laabtay kadib waqtigii uu ku jiray go’doonka looga baahnaa kadib in ciyaartoygu uu positive ku noqday COVID-19”.

“Intaa uu wanaag dareemayo waxaa dheer, in garabka da’yarka ahi uu si adag uga shaqaynayo tabababarka guriga si uu u dhiso taam ahaanshiisa si la mid ah kooxda Chelsea inteeda kale”. ayaa qoraalka Chelsea la sii raaciyay.

Warkan ayaa farxad wayn u ah guud ahaan kubbada cagta gaar ahaan Premier League iyo kooxda Chelsea iyada oo Callum Hudson-Odoi uu hadda ku soo laabtay xaaladii caadiga ahayd.