RASMI: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Liiska Xiddigaha Kooxdeeda Ee Kulanka Yuhuud Nacaybka Lagaga Soo Horjeedo, Miyay Xiddigaha Muhiimka Ah U Dhigteen Final-ka Arsenal?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa si rasmi ah usoo saaray liis ka kooban 23 ciyaartoy oo uu ugu safrayo dalka Maraykanka si ay halkaas ugu soo ciyaaraan kulan looga soo horjeedo yuhuud nacaybka.

Xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ayaa dhammaaday balse xiddigaha Chelsea ayaan wali wax nasiimo ah heli doonin waxaana ay kulankaas lasoo yeelan doonaan kooxda horyaalka MLS ee New England Revolution.

Kulankan ayaa ah mid aysan jeclaysan doonin shaqsiyaad badan oo ku taxan Chelsea maadaama oo uu dhawaan sugayo kulanka Final-ka tartanka Europe League ee ay magaalada Baku kula ciyaari doonaan kooxda Arsenal.

Sarri ayaa kulankan u watay dhammaan xiddigaha muhiimka ah ee kooxdiisa oo ay ugu horreeyaan Eden Hazard, Kepa, Azpilicueta iyo Jorginho.

Liiska Kulanka New England Revolution Ee Tababare Sarri Ku Dhawaaqay

Goolhayayasha: Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero, Rob Green

Daafacyada: Andreas Christensen, David Luiz, Cesar Azpilicueta, Marcos Alonso, Davide Zappacosta, Emerson, Marc Guehi, Reece James

Khadadka Dhexe: Jorginho, Ross Barkley, Ruben Loftus-Cheek, Mateo Kovacic, Trevoh Chalobah, Conor Gallagher

Weeraryahanada: Eden Hazard, Willian, Pedro, Olivier Giroud, Gonzalo Higuain, Ike Ugbo

Ugu dambayn, Waxa la filayaa in kulankaas uusan Sarri soo ciyaarsiin doonin xiddigaha muhiimka ka ah safka kooxdiisa si ay nasiimo badan u helaan kahor kulanka Europe League.