RASMI: Chelsea Oo Heshiisyo Cusub Ka Saxiixatay Laba Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Ka Tirsan.

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiisyo cusub ka saxiixatay xidiga kooxdeeda ee Olivier Giroud iyo goolhaye Willy Cabellaro kuwaas oo kooxda si xor ah kaga bixi kari lahaa June 30.

Giroud oo markii hore la filayay in uu soo dhamaanayo waayihiisii ciyareed ee Chelsea ayaa ogolaaday in uu sii joogo Stamford Bridge xili ciyaareedka soo socda wuxuuna heshiiskiisa ku kordhiyay hal sano.

Goolhaye Willy Cabellaro ayaa isna saxiixay heshiis cusub oo hal sano ah taas oo la micno ah in uu Chelsea sii joogi doono xili ciyaareedka soo socda ee 2020/2021.

Willy Cabellaro iyo Olivier Giroud ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda Chelsea ee sida xorta ah ku bixi lahaa haddii ayna maamulka Stamford Bridge go’aanka ku gaadhi lahayn in ay qandaraaskooda min hal sano ku kordhiyaan.

Laakiin Willian oo ah xidiga ugu muhiimsan ee sida xorta ah xili ciyaareedkan kaga bixi doona Chelsea ayaan xaaladiisa wali go’aan rasmi ah laga soo saarin iyada oo la og yahay in uu dhawr jeer mustaqbalkiisa ka hadlay oo uu cadeeyay in uu bixi doono.

Kooxo Premier League ah ayaa lala xidhiidhinayaa Willian kaas oo heshiiskiisa Chelea uu dhacayo June 30 balse waxaa la filayaa in waqti kooban qandaraaskiisa lagu dari karo haddii uu xili ciyaareedku ku dhamaan waayo muddadan.

Wararka ay Chelsea ku shaacisay heshiiska cusub ee Olivier Giroud iyo Willy Cabellaro ayaa muujinaya sida uu Lampard wali ugu kalsoon yahay in ay kooxdiisa qayb ka sii ahaadaan xili ciyaareedka soo socda.

Olivier Giroud ayaa Chelsea ku soo biiray maalintii suuqii January ee 2018 kii ugu danbaysay markaas oo uu ka soo wareegay kooxda ay London kawada dhisan yihiin ee Arsenal.

Muddadii uu Olivier Giroud joogay Arsenal waxa uu kooxda shaxdeeda ku soo bilawday 39 kulan wuxuuna badal ku soo galay 37 kulan oo kale isaga oo soo dhaliyay 21 gool.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook