RASMI: Borussia Dortmund Oo Heshiiskii Amaahda Ahaa Ee Paco Alcacer U Bedeshay Rasmi & Xiddigan Oo Si Rasmi Ah Uga Wareegay Barcelona.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-08-28 16:54:55Z | http://piczard.com | http://codecarvings.comœ|ÿI .>Ã

Kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund ayaa heshiis rasmi ah la saxeexatay weeraryahankii ay qaabka amaahda ah hore ugala soo wareegtay dhigeeda Barcelona ee Paco Alcacer kaddib bandhigyo cajiib ah oo uu sameeyay.

Dortmund ayaa hore xiddigan ugula soo wareegtay qaab amaah ah oo hal sano ah iyaga oo heshiiska ku daray qoddob u ogolaanaya inay si rasmi ah ula saxeexan karaan.

Paco ayaa xilli horeba qanciyay Dortmund kaddib 9 gool oo uu ku dhaliyay 8 kulan oo Bundesliga ah waxaana goolashaas midka ugu muhiimsani ahaa goolkii guusha ee uu ka dhaliyay kooxda uu xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Bayern Munich.

Celceliska goolasha Alcacer ayaa ah mid uu hal gool dhalinayay 44 daqiiqo oo kasta waana sababta ku kaliftay inay degdeg heshiis shan sano ah ula saxeexdaan.

Weeraryahanka ree Spain oo dareenkiisa cabiray heshiiska kaddib ayaa sheegay in Dortmund ay tahay go’aanka saxda ah ee uu qaatay isla markaana uu u samayn doono waxkasta si uu uga abaalmariyo inay isaga aamineen.

Paco ayaa yidhi “Anigu aad baan ugu faraxsanahay magaalada Dortmund, Kooxda BVB iyo kooxdan cajiibka ah, Borussia Dortmund waxa ay dhab ahaantii ii ahayd aniga go’aanka saxda ah, Waxaan samayn doonaa waxkasta oo aan awoodo si aan u idhaahdo mahadsanidiin sida aad iigu aaminteen bandhigayga”