RASMI: Booliiska Merseyside Oo Ugu Danbayn Go’aan Ka Gaadhay Kiiskii Mohamed Salah Lagu Soo Oogay-Miyuu Ganaax Mutaysan Doonaa?

Intii lagu jiray bishii August ee horaantii xili ciyaareedkan, waxaa booliiska Merseyside loo gudbiyay muuqaalka Mohamed Salah oo gaadhi wada isla markaana Mobile-kiisa isticmaalaya kaas oo sharci adagi ka yaalo Uk isla markaana ciqaab lagu mutaysto, waxayna waqtigaas Liverpool soo saartay war saxaafadeed iyada oo sidoo kale ay booliisku baadhitaan bilaabeen.

Laakiin dhawr bilood kadib waxay ugu danbayn booliiska Merseyside gaadheen go’aankii waqtiga dheer la sugayay waxayna faah faahin ka bixiyeen xaaladu siday u dhacday. Mohamed Salah ayaa lagu soo eedeeyay in uu jabiyay sharciga wada marista isaga oo isticmaalay mobilekiisa gacanta isaga oo gaadhiga wada.

Liverpool ayaa war saxaafadeed ayaa markaas soo saartay waxay ku cadaysay in ay Mohamed Salah kala hadashay dhacdadaas isla markaana waxay balan qaadeen in ay gudahooda arintan ka xalin doonaan isla markaana ay la shaqaynayaan booliiska  Merseyside.

Balse booliiska  Merseyside ayaa cadeeyay in loo soo gudbiyay muuqaalkii Mohamed Salah laakiin waxay cadeeyeen in ay waayeen cadaymo buuxa oo muujinaya in uu danbigan galay taas oo keentay in Salah uu ka badbaaday ganaaxii uu kula kulmi lahaa dhacadan.

War saxaafada loogu talo galay oo ka soo baxay booliiska Merseyside ayaa lagu yidhi: ” Waxaanu cadayn karanaa in ninka 26 sano jirka ah lala hadlay kadib dhacdadii Arkles Lane ee Liverpool ee axadii August 12,2018 kii, su’aalaha ayaa qabsoomay waxaana jirtay cadayn aan ku filnayn si ay eedaynta u taageerto wax talaabo oo dheeraad ahna lama qaadi doono”.

Laakiin waxaa qoraalka booliiska Merseyside lagu sheegay in Mohamed Salah tallo laga siiyay in aanu mobile-kiisa ku isticmaali karin isaga oo gaadhiga wada waxaana qoraalka lagu yidhi: “Waxay saraakiishu ninka ayay la hadleen waxayna siiyeen tallo iyo tilmaan ku xeeran isticmaalka mobilka ee gaadhiga dhexdiisa”.

Si kastaba ha ahaatee, waqti dheer oo ay jamaahiirta Liverpool sugayeen in go’aan ka soo baxo baadhitaankii lagu waday Mohamed Salah ayaa hadda ugu danbayn warkan helay iyada oo aan Salah wax ciqaab ah mari doonin.