RASMI: BBC Oo Ku Dhawaaqday Shanta Xidig Ee Iskugu Soo Hadhay Abaal Marinta Ciyaartoyga Sanadkan 2017 Qaarada Afrika Ugu Fiican.

BBC-da ayaa ku dhawaaqday liiska shanta ciyaartoy ee sanadkan 2017 iskugu soo hadhay abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican. BBC-da qaybteeda aduunka la hadasha ayaa sanadkasta bixisa abaal marinta ciyaartoyga qaarada Afrika ugu fiican waxaana hadda la ogyahay shanta ciyaartoy ee mid ka mid ahi uu sanadkan ku guulaysan doono.

Kooxda Liverpool ayaa umuuqatay in ay gacanta ku dhigtay xidigihii qaarada Afrika ugu fiicnaa waxaana ku jira saddex ka mid ah afarta xidig ee abaal marintan u sharaxan ciyaartoy hadda kooxdeeda ka tirsan ama dhamaadka xi li ciyaareedkan ku soo biiri doona.

Waxaa liiskan ku soo wada baxay Mohamed Salah, Sadio Mane oo hadda Liverpool kawada tirsan si la mid ah xidiga amaahda kaga maqan Liverpool ee Naby Keita kaas oo xili ciyaareedkan baaqi ku sii ahaaday RB Leipzig waxaana liiskan dhamaystiray xidiga kooxda Borussia Dortmond ee Aubameyang oo markii shanaad oo xidhiidh ah liiskan ku soo baxay iyo Victor Moses oo Chelsea iyo xulka qaranka Nigeria ka tirsan.

Sadio Mane oo sanadkii hore qayb ka ahaa liiskan ayaa markii saddexaad ku soo baxay laakiin waxa uu sanadkan u muuqdaa kan ugu cad cad ee abaal marintan ku guulaysan kara.

Liiska Shanta Ciyaartoy Ee Iskugu Hadhay Abaal Marinta Xidiga Afrika Ugu Fiican:

1-Pierre-Emerick Aubameyang – Gabon & Borussia Dortmund

2-Naby Keita – RB Leipzig & Guinea

3-Sadio Mane – Senegal & Liverpool

4-Victor Moses – Nigeria & Chelsea

5-Mohamed Salah – Egypt & Liverpool

Comments

comments