RASMI: BBC-da Qaybteeda Aduuka La Hadasha Oo Ku Dhawaaqday Waqtiga La Shaacinayo Shanta Xidig Ee U Sharaxan Abaal Marinta Xidiga Sanadkan 2017 Ee Afrika Ugu Fiican.

Idaacada BBC-da qaybteeda aduunka la hadasha oo sanad kasta bixisa abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga la soo saarayo liiska shanta musharax ee mid ka mid ahi uu sanadkan ku guulaysan doono abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican ee ay BBC-du bixiso taas oo loo yaqaan BBC African Footballer of the Year 2017.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay waqtiga jamaahiirta kubbada cagta Afrika ay heli doonaan in ay u codeeyaan xidiga ay u arkaan in uu yahay kan qaarada Afrika ugu fiican sanadkan 2017 iyo waliba goobaha sida tooska ah looga tabin doono marka lagu dhawaaqayo liiskan.

Uu horayn BBC-da ayaa ku dhawaaqday in sabtida November 11 ay ku dhawaaqi doonaan shanta musharax ee iskugu soo hadhay abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican waxaana si toos ah looga tabin doonaa  BBC World News, BBC World Service iyo BBC Sport Online iyada shaacinta musharixiinta xidiga Afrika ugu fiicani ay bilaami doonto 18:00 GMT ee waqtiga London taas oo ku beega 9:00 habeenimo ee saacada geeska Afrika.

Waxaa abaal marintan hore ugu soo guulaystay xidigo ay ka mid ahaayeen  Didier Drogba iyo Yaya Toure oo ree Ivoery Coast ah, Jay-Jay Okocha oo Nigeria ah iyo waliba halayygii ree Liberia ee George Weah laakiin waxaa abaal marintan hadda haysta Riyad Mahrez oo sanadkii hore ku soo guulaystay markii uu Leicester City ka soo caawiyay koobka Premier Leaque.

Barnaamijka sabtida ee ay BBC-da qaybteeda aduunka la hadashaa ku shaacin dooonto shanta xidig ee iskugu soo hadhay abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican waxaa daadihin doona Peter Okwoche iyo Mimi Fawaz iyada oo xaflada dad lagu soo casuumi doono.

Jamaahiirta kubbada cagta Afrika ayaa isla sabtida November 11, waxay bilaabi doonaan in ay codkooda siiyaan xidiga ay u arkaan kan sanadkan 2017 ugu fiican qaarada Afrika iyada oo codbixintu furmi doonta 19:00 GMT waxaana laga codayn doonaa websiteka rasmiga ah ee BBC waxayna socon doontaa ilaa maalinta isniinta ee November 27 marka ay saacadu tahay. 18:00 GMT.

Ugu danbayn waxaa la shaacin doonaa xidiga codbixintan ku guulaysta maalinta isniinta ee December 11 marka ay saacadu tahay 17:30 GMT oo ku beegan 8:30 saacada Geeska Afrika. Insha Allah shabakada Gool24.net ayaa warbixintan idinla socod siin doonta isla marka la samaynayo.

Comments

comments