RASMI: Barcelona Oo Shaacisay Taariikhda Ay Ciyaartoyda Kooxdeeda Ku Soo Laabanayaan Xarunta Tababarka Ee Diyaar Garowga Kulamada Saaxiibtinimo Iyo Kulamada Ay Barca Ciyaari Doonto.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay taariikhda ay ciyaartoyda dib ugu soo laabanayaan xarunta tababarka si ay ugu diyaar garoobaan kulamada saaxiibtinimo ee ay ka horayn doona xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Barcelona ayaa afar kulan oo saaxiibtinimo ciyaari doonta ka hor xili ciyaareedka cusub waxayna laba kulan ka dhici doonaan dalka Japan halka labada kulan ee kale ay ku balansan yihiin ciida dalka Maraykanka..

Ugu horayn Barcelona ayaa shaacisay in marka la soo gaadho July 14 ay ciyaartoyda kooxdeedu dib ugu soo laaban doonaan xarunta tababarka waxaana soo laaban doona xidigaha Blaugrana ee aan ka qayb galayn tartamada xagaagan la ciyaarayo.

SIDOO KALE AKHRISO:  YAABKA YAABKII: "Mourinho Ayaan Doonaynaa Haddii Pep Guardiola........." - Jamaahiirta Liverpool Oo Si Layaab Leh U Codsaday In Kooxda Mourinho Loo Keeno & Sababaha Ay U Doonayaan.

kadib waxay Barcelona u duuli doontaa dalka Japan oo ay laba kulan oo saaxiibtinimo kula ciyaari doonaan kooxda uu Andres Iniesta ka tirsan yahay ee Vissel Kobe iyo kooxda europa League ku soo guulaystay ee Chelsea.

Kulanka Barcelona ay la ciyaari doonto Chelsea ayaa dalka Japan ka qabsoomi doona July 23 halka kulanka isla Japan ku dhex mari doona kooxda kabtankii hore ee Barcelona ee Andres Iniesta la ciyaari doono July 27.

Kadib waxay Barcelona u duuli doontaa dalka Maraykanka oo ay laba kulan oo saaxiibtinimo kula ciyaari doonto kooxda Napoli waxaana kulamadan la ciyaari doonaa Agust 7 iyo Agust 11 iyada oo kulanka hore uu ka dhici doono Miami halka kulanka labaad uu ka qabsoomi doono Michigan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Sidanuu Ku Dambeeyay Xiddigii Loo Han-Weynaa? - Maamulka Real Madrid Oo Qaab Amaah Ah Ku Diri Kara Mid Kamida Shanta Saxeex Ee Dhawaan Kooxdooda Kusoo Biiray.

Ciyaartoyda Barcelona ee aan ka qayb galayn tartanka Copa America ee Brazil ka furmi doona ayaa xarunta tababarka ee Ciutat Esportiva Joan Gamper iska soo xaadirin doona maalinta axada ee July 14 iyada oo inta ayna tababarka bilaaban la marin doono baadhitaan caafimaad.

Kulamada Barcelona ee Japan ka dhici doona waxaa sabab u ah shirkada reer Japan ee Rakuten oo heshiis qaali ah kula jirta Barca waana heshiis la filayo in uu dhaqaale u soo kordhin doono labada dhinac.

Xidigo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Philippe Coutinho, Luis Suarez iyo Arthur Melo ayaan fursad u heli doonin in ay xarunta tababarka Barcelona ku soo laaban karaan july 14.

SIDOO KALE AKHRISO:  Lionel Messi Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Goolkii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka Ee Yurub (Daawo Goolka)

Saxiixa cusub ee Frenkie De Jong ayaa Barcelona si rasmi ah ugu soo biiri doona July 1 iyada oo la shaacin doono taariikhda rasmiga ah ee saxaafada iyo taageerayaasha loo soo bandhigi doono wuxuuna ka mid noqon doonaa ciyaartoyda kulamada saaxiibtinimo ka qayb gali doona.

2 Comments

  1. Xilli ciyaareed qurxoon iyo ciyaartooy cusub oo uu hor kici doono captain LEO ANDRESS MESSI oo lagu daray tababare ERNESTO VALVERDI forca FOOTBALL CLUB BARCELONITA

  2. LINEUP XI START PLAYERS 2019-2020 SEASON

    *TER STEGAN
    *SAMEDO
    *DE LIGT
    *LENGLET
    *ALBA
    *DE JONG. ERNESTO VALVERDI
    *BISQUET. COUCH
    *ARTHUR
    *MESSI (C)
    *GRIEZMANN
    *Dembele

Comments are closed.