RASMI: Barcelona Oo Shaacisay Afarta Kabtan Ee Kooxdeedu Yeelan Doonto Kadib Bixitaankii Andres Iniesta Iyo Sida Ay Ukala Horeeyaan.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday afarta kabtan ee ay kooxdeedu yeelan doonto iyo waliba qaabka ay u kala horeeyaan kadib markii uu dhamaadkii xili ciyaareedkii hore uu kooxda ka baxay Andres Iniesta oo kabtanka kooxda kowaad ahaa.

Lionel Messi ayaa loo doortay in uu noqdo kabtanka koowaad ee kooxda Barcelona wuxuuna xili ciyaareedka cusub bilaaban doonaa isaga oo ah kabtanka kooxda kowaad markii ugu horaysay waayihiisa ciyaareed. Lionel Messi ayaa daawanayay Carlos Puyol, Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta oo kabtanka kowaad ah isla markaana si wayn uga soo baxay masuuliyadan.

Lionel Messi oo kooxdiisa Barcelona wax walba u soo qabtay isaga oo aan kabtan ahayn ayaa markan loogu daray in uu noqdo kabtanka kowaad waxaana kabtanka labaad ee uu ahaan jiray ku sii durkay Sergi Roberto kaas oo xili ciyaareedka cusub bilaaban doona isaga oo ah kabtanka labaad ee Blaugrana.

Gerard Pique oo qolka labiska Barcelona looga yaqaan madax waynaha mustaqbalka Barcelona ayaa loo doortay in uu noqdo kabtanka saddexaad isaga oo markii horeba qolka labiska ka hayay shaqo ka badan inta uu kabtanku qabto.

Sergi Roberto ayaa loo doortay kabtanka afraad ee Barcelona kadib markii uu ka mid noqday ciyaartoyda ugu waqtiga dheer Camp Nou ee min La Masia ilaa kooxda kowaad soo xidhnaa maaliyada kooxdiisa Barca waxaana lagu sharfay in uu noqdo kabtanka afraad ee Barca.

Barcelona ayaa haddaba isku diyaarinaysa kulanka finalka Spanish Super Cupka ee axada la ciyaari doono kaas oo ay kooxda Valverde ku furan doonto xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 iyada oo Messi uu kulani u noqon doono kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah isaga oo kabtanka kowaad ee Barca ah.