RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka Getafe-Miyuu Quique Setien Ka Baxay Madax Xanuunkii Difaacyada Kooxdiisa?

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa ku dhawaaqay liiska 18 ka ciyaartoy ee uu kala qayb gali doono kulanka Camp Nou ee Getafe.

Advertisements

Quique Setien waxa uu helay war aad u fiican kadib markii ay u soo laabteen saddex difaac oo kooxdiisa xaalado kala duwan kaga maqnaa maalmihii la soo dhaafay.

Gerard Pique, Nelson Semedo iyo Sual Umtiti oo maalmihii la soo dhaafay xaaladoodu ayna fiicnayn ayaa taam buuxa u noqday kulanka Getafe taas oo madax xanuunkii ka saartay Quique Setien.

Gerard Pique ayaa seegay kulankii Real Betis kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Athletic Bilbao ee Barca looga reebay Copa Del Rey halka Umtiti uu ka soo kabsaday dhibaato ka soo gaadhay kulankii Betis.

Laakiin waxaa Barcelona ganaax kaga maqnaan doona Clement Lenget kaas oo kaadhka cas loo taagay kulankii Real Betis laakiin soo laabashada Umtiti iyo Pique ayaa Setien wax wayn u ah.

Laakiin tababare Quique Setien ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Getafe ku soo darsaday da’yarta kala ah R.Manaj iyo R Araujo waxaana sidoo kale dhaawac ka soo laabtay goolhaye Neto oo liiskan ku soo baxay.

Lionel Mesi, Antoine Griezmann iyo da’yarka Ansu Fati oo la filayo in ay shaxda Quique Setien ku soo wada bixi doonaan ayaa dhamaantood ku jira liiska Barca.

Luis Suarez iyo Ousmane Dembele oo inta xili ciyaareedkan ka hadhsan Barcelona ka maqnaanaya ayaa ah labada ciyaartoy ee kaliya ee hadda Barca dhaawacyo kaga maqan.

Liiska Ciyaartoyda Barcelona ee uu Setien Magacaabay.

Advertisements