RASMI: Barcelona Oo Dhamaystirtay Jadwalka Kooxdeeda Ee Kulamada Saaxiibtinimo-Goormuu Frenkie De Jong Kulankiisa Ugu Horeeya Safan doonaa?

Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay jadwalka kooxdeeda ee ka hor xili ciyaareedka cusub waxayna ciyaari doontaa kulamo saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan. Tababare Ernesto Valverde ayaa hadda haysta jadwalka uu ku shaqo gali doono u diyaar garowga xili ciyaareedka cusub.

Tababare Ernesto Valverde oo ay shaqadiisu ka badbaaday ceebtii Liverpool kaga soo gaadhay Champions league aya la siiyay fursad uu xili ciyaareed kale kooxda ku sii maamuli doono.

Barcelona ayaa ciyaartoyda kooxdeeda dib u soo dhawayn doonta July 14 waxayna mari doonaan baadhitaan jidh ahaaneed oo ah mid caado u ah kooxda si ay u hubiyaan xaalada caafimaadka ciyaartoydooda fasaxa ka soo laaban doona.

Ka hor waxay Barcelona si rasmi ah u dhamaystiri doontaa heshiiskii ay bishii January kooxda Ajax la gaadhay ee uu Frenkie De Jong ku soo gaadhi doono Barca kaas oo July 1 si rasmi ah loo dhaqan galin doono.

Haddaba goorma ayuu De Jong heli doonaa fursada ugu horaysa ee uu kulan ugu ciyaari karo kooxdiisa cusub ee Barcelona?

Frenkie De Jong ayaa la filayaa in uu kulankiisa ugu horeeya ee Barcelona uu safan doono July 23 markaas oo ay Barcelona dalka Japan kula ciyaari doonto Chelsea.

kadib waxay Barcelona isla dalka japan kula ciyaari doontaa kooxda kabtankeedii hore ee Andres Iniesta ka tirsan yahay ee Vissel Kobe kaas oo la ciyaari doono July 27.

Kadib waxay Barcelona ku soo laaban doontaa Camp Nou oo ay kooxda arsenal ku marti qaaday  Joan Gamper Trophy kaas oo markii 54 aad la ciyaari doono waxaana kulankan la ciyaari doonaa August 4.

Laakiin kadib waxay Barcelona u safri doontaa USA halkaas oo ay laba kulan kula ciyaari doonto kooxda Napoli iyada oo kulanka hore uu Miami ka qabsoomi doono halka kulanka labaad uu ka dhici doono Michigan.

Jadalka Kooxda Barcelona ee Ka hor Xili Ciyaareedka cusub:

14/07/2019 · Ciyaartoyda ayaa fasaxa ka soo laaban doon

23/07/2019 · Tokyo (Japan) · FC Barcelona – Chelsea

27/07/2019 · Kobe (Japan) · Vissel – FC Barcelona

04/08/2019 · Camp Nou · FC Barcelona – Arsenal

07/08/2019 · Miami (USA) ·  Napoles – FC Barcelona

10/08/2019 · Michigan (USA) · FC Barcelona – Nápoles