RASMI: Arsenal Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Aaron Ramsey Ee Juventus Iyo Goolhaye Wojciech Szczesny Oo Qaab Maad Ah U Soo Dhaweeyay Ramsey.

Kadib markii ay kooxda Juventus si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis buuxa oo hordhac ah la sii gaadhay xidiga kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Wales ee Aaron Ramsey, ayay kooxda Arsenal markeeda soo saartay warbixin rasmi ah oo kaga hadleen xaalada Aaron Ramsey.

Dhinaca kale goolhayihii hore ee kooxda Arsenal ee Wojciech Szczesny oo hadda Juventus ka tirsan ayaa qaab maad ah Juventus ugu soo dhaweeyay saaxiibkiisii hore ee Arsenal isaga oo arin duur xul u muuqata isla markaana uu dhinac kaftan kaga jiro baraha bulshada kula wadaagay Ramsey iyo taageerayaashiisa.

Aan ku horaynee kooxda Arsenal ayaa war saxaafadeed dhawr layn oo kaliya ah ka soo saartay heshiika uu Aaron Ramsey ugu biirayo Juventus waxaana qoraalka Arsenal lagu bilaabay: “Qof kasta oo jooga kooxda kubbada cagta Arsenal waxa uu Aaron Ramsey u rajaynayaa farxad iyo mustaqbal guulaysta”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Faah Faahin Laga Helay Heshiiska Ay Barcelona Doonayso In Philippe Coutinho Ugu Biiro Kooxda Bayern Munich.

Waxaana qoraalka Arsenal lagu sheegay: “Aaron waxa uu kooxdeena ku soo sameeyay wax tar fantastik ah tan iyo markii uu 2008 kii kaga soo biiray Cardiff City. Waxa uu markasta soo ahaa xirfadleh dhamaystiran wuxuuna markasta meel khaas ah kaga jiri doonaa quluubta io xusuusta jamaahiirta Arsenal ee aduunka dacaladiisa”.

Waxaana qoraalka Arsenal lagu soo xidhay: “Waxaanu wanaag ka rajaynaynaa in Aaron uu kooxda ka caawiyo in ay si xoogan xili ciyaareedkan ku dhamaysato ka hor inta aanu xagaaga ku biirin Juventus”. Wuxuuna Aaron Ramsey isla qoraalkan oo kale ku balan qaaday warqad uu jamaahiirta kooxdiisa Arsenal kula hadlay daqiiqado yar ka hor.

Ugu danbayn aan soo qaadano fariinta qoraalka ah ee uu goolhayihii hore ee kooxda Arsenal ee Wojciech Szczesny uu Juventus ugu soo dhaweeyay Aaron Ramsey wuxuuna soo qoray: “Ku soo dhawow qoyska Juve. Naftaada shaqo adag u soo diyaari. Dhawrka sanadood ee soo socdaa waxay dhamaan noqon doonaan kuwo guulaysi!. Fadlan maxay khidmadaydu noqonaysaa!”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wijnaldum Oo Ka Sheekeeyay Arin Qosol Leh Oo Uu Sameeyay Tababare Jurgen Klopp Isagoo Xiran Nigiska Cristiano Ronaldo

Hadalka goolhaye Wojciech Szczesny  ayaa loo arki karaa mid duur xul ku ah kooxdiisii hore ee Arsenal maadaama oo uu Aaron Ramsey u sheegay in uu isku soo diyaariyo shaqo adag taas oo loo turjuman karo in aanu hadda shaqo adag ka qaban Arsenal oo uu loo fahmi karo in uu dhaliilsan yahay halka uu sidoo kale xusay in uu sanadaha soo socda la guulaysan doono Juventus.