RASMI: Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay 7 Ciyaartoy Kooxdeeda Si Xor Ah Kaga Fasaxday.

Arsenal ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku shaacisay in 7 ciyaartoy oo kooxdeeda ka soo tirsanaa ay si xor ah ku baxayaan iyada oo xidigahan loogu mahad naqay wax qabadkii ay kooxda ka soo sameeyeen.

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay xagaagan isbadal ka samayso kooxdeeda waxayna hadda shaacisay liiska xidigaha kooxda sida xorta ah kaga dhaqaaqaya.

Afar ciyaartoy oo waqtiyo kale duwan ku soo qaatay kooxdaha kowaad iyo saddex ciyaartoy oo da’yar ah ayaa ka soo muuqday liiska laga siidayay Emirates Stadium.

Aaron Ramsey oo haddaba heshiis u saxiixay Juventus,Danny Welbeck, Stephan Lichtsteiner iyo Petr Cech ayaa dhamanatood ka mid ah ciyaarta la fasaxay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Goormaa La Qabanayaa Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League? Dheriyada Ay Ku Kala Jiraan Kooxaha, Taariikhaha Muhimka Ah Iyo Halka Aad Ka Daawan Karto

‘Waxaanu u mahad celinaynaa isla markaana aanu wanaaga ugu fiican u rajaynaynaa  ciyaartoyda soo socda kuwaas oo uu heshiiskoodu dhacayo June 30″ ayaa qoraalka Arsenal lagu sheegay.

Kadib liiska Todobadan Ciyaartoy ayaa la soo taxay:

  1. Cohen Bramall
  2. Petr Cech
  3. Charlie Gilmour
  4. Stephan Lichtsteiner
  5. Julio Pleguezuelo
  6. Aaron Ramsey
  7. Danny Welbeck

Waxaana qoraalka Arsenal la sii raaciyay: “Waxaynu dhamaantood uga mahad celinaynaa wax qabadkoodii ay kooxda ku soo kordhiyeen isla markaana guul kasta ayaan mustaqbalkooda uga rajaynaynaa”.

Unai Emery ayaa ku qasbanaan doona in uu badalka xidigaha muhiimka ah ee kooxdiisa ka baxay ka raadsado suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyada oo waliba la filayo in xidigo kale ay iib ahaan kaga bixi karaan Gunners.