RASMI: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday In Unai Emery Uu Yahay Macalka Cusub Ee Leylin Doona Gunners, Kadib Bixitaankii Arsene Wenger.

Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa shaacisay inay la saxiixatay macalinka reer Spain ee Paris Saint-Germain Unai Emery, kaasoo shaqada ka badalaya waayeelka reer France ee Arsene Wenger.

Unai Emery oo ku biiray kooxda Paris Saint-Germain bishii June 2016, ayaa ka tagay kooxda Faransiiska dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku hogaamiyay saddex koob ee ah gudaha dalka Spain sanadan.

Tababaraha 46 jirka ah ee reer Spain ayaa wuxuu horey u soo leeliyay kooxda Sevilla, wuxuuna kula soo guuleystay saddex jeer ee ah UEFA Europa League.

Arsenal ayaa go’aansatay inay u magacowdo Emery inuu noqdo badalka Arsene Wenger, kaasoo soo gabagabeeyay xilli ciyaareedkiisii ugu danbeeyay isagoo macalin kasoo ahaa Gunners 22 sano oo xiriir ah.

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa war rasmi ay soo dhigrtay ku sheegtay: “Soo dhawoow Unai Emery… Emery waa macalinka cusub ee kooxdeena, wuxuu yimid Arsenal kadib mudo dhan laba xili ciyaareed uu kusoo qaatay PSG wuxuuna ku hogaamiyay saddexleyda gudaha France, wuxuu sidoo kale saddex xili ciyaareed kusoo qaatay Sevilla wuxuuna kula soo guuleystay saddex jeer ee ah UEFA Europa League”,

Dhankiisa maamulaha kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa sheegay “Emery wuxuu heystaa guulo badan oo Yurub ah, wuxuu leeyahay awooda inuu horumariyo ciyaaryahano da’ayar ah, wuxuuna soo bandhigaa heer farxadeed, qaabkiisa kubbada cagta waa mid u fiican kooxda”.