RASMI: Anthony Martial Oo Ku Soo Baxay Liiska Xulka Qaranka France Ee Tababare Didier Deschamps Miyaa Lacazette Lagu Soo Daray?

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ugu danbayn xulkiisa dib ugu soo celiyay Anthony Martial oo xulkiisa ka maqnaa waqti dheer isla markaana seegay liiskii France koobka aduunka ugu soo guulaystay dalka Russia badhtamihii sanadkan 2018.

Martial ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ku soo jiray qaab ciyaareed aad u fiican iyada oo loo arko mid ka mid ah sababaha ay kooxda Mourinho ee Man United uga soo kabsatay xaaladii xumayd ee ay ku jirtay wuxuuna qaab ciyaareedka Martial soo jiitay Didier Deschamps.

Laakiin waxaa wali xulka qaranka France ka sii maqnaan doona gool dhaliyaha kooxda Arsenal ee  Alexandre Lacazette kaas oo xataa bandhig fiican ka sameeyay kooxdiisa Gunners balse Deschamps ayaa wali sii aaminsan Giroud, Griezmann, Mbappe, Dembele, Nabil Fékir ,Florian Thauvin iyo Martial oo hadda liiskan lagu soo celiyay.

Tababare Didier Deschamps ayaa liiska xulka qarankiisa France ee kulamada caalamiga ah waxa uu ku soo daray Ousmane Dembele kaas oo aan xaalad fiican ku soo jirin bilihii ugu danbeeyay waxaana booskooda ilaashaday Griezmann, Mbappe iyo Giroud.

Xulka qaranka France ayaa tartanka qaramada Yurub ee UEFA Nations League waxay ku wajihi doonaan Netherland waxayna sidoo kale la ciyaari doonaan Uruguay waana kulan saaxiibtinimo oo uu xulka koobka aduunka difaacanaya ee France ay isku tijaabin doonaan.

Halkan kaga Bogo Liiska Ciyaartoyda Xulka Qaranka France Ee Uu Didier Deschamps Magacaabay:

Goolhayayaasha: Hugo Lloris (Tottenham), Steve Mandanda (Marseille), Alphonse Areola (PSG)

Difaacyada: Djibril Sidibé (Monaco), Benjamin Pavard (VfB Stuttgart), Adil Rami (Marseille), Raphaël Varane (Real Madrid), Mamadou Sakho (Crystal Palace), Presnel Kimpembe (PSG), Benjamin Mendy (Manchester City), Lucas Digne (Everton)

Khadka Dhexe: N’Golo Kanté (Chelsea), Steven N’Zonzi (AS Roma), Blaise Matuidi (Juventus), Paul Pogba (Manchester United), Tanguy N’Dombélé (Lyon)

Weerarka: Ousmane Dembélé (FC Barcelona), Florian Thauvin (Marseille), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Olivier Giroud (Chelsea), Anthony Martial (Manchester United), Kylian Mbappé (PSG), Nabil Fékir