RASMI: Andrea Pirlo Oo Ku Dhawaaqay In Uu Gabi Ahaanba Ka Fadhiistay Ciyaarista Kubada Cagta Kadib 22 Sannadood Oo Uu Ku Soo Dhex Jiray.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Talyaaniga Andrea Pirlo ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisatay ciyaarista kubada cagta ka dib markii uu kulankiisii ugu danbeysay u ciyaaray kooxda New York City.38 jirkaan ayaa wadankiisa u saftay 116 kulan isagoo xulka Talyaaniga la qaaday Koobka Adduunka sannadii 2006.

Andrea Pirlo oo waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay Brescia ayaa u soo ciyaaray Inter, AC Milan iyo Juventus ka hor inta uusan u wareegin horyaalka Mareykanka isagoo labo sannadood u ciyaarayay New York City.

Qoraal rasmi ah oo uu Pirlo go’aankiisa ku shaaciyay ayuu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuuna qoraalkiisa uu go’aanka ugu dhawaaqay ku yidhi: “”Kaliya waqtigeygii New York ma soo dhamaanayo laakiin sidoo kale waqtigeygii aan ahaa ciyaaryahan kubada cagta ah”

Andrea Pirlo oo faah faahin ka bixinaya go’aankiisa ayaa yidhi: “Waa ciyaartii ugu danbeysay aan ciyaaray horyaalka MLS. Waqtigeygii NYCFC waa soo dhamaaday, waxaana jeclaan lahaa inaan iraahdo dhowr erey. Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo qof walba oo taageero ii soo bandhigay magaaladaan cajiibka ah.

“Waad ku mahadsan tihiin taageeradiina cajiibka ah, waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha tababarka, waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo kooxda ka shaqeeya, waxaana u mahadcelinayaa asxaabteyda kooxda.Kaliya waqtigeygii New York ma soo dhamaanayo laakiin sidoo kale waqtigeygii aan ahaa ciyaaryahan kubada cagta ah” ayuu Pirlo hadalkiisa sii raaciyay.

Pirlo oo qoyskiisa u mahad celinaya ayaa yidhi: “Waana sababta aan u jeclaan lahaa inaan fursadaan uga faa’ideysto inaan u mahadceliyo qoyskeyga iyo caruurteyda oo i taageertay iyo jaceylka ay mar walba i siiyeen, waxaan u mahadcelinayaan koox walba oo aan ku sharfanaa inaan u ciyaaray, ciyaaryahan walba aan ka garab dheelay iyo dhamaan dadkii waayaheyga ciyaareed ka dhigay mid cajiib ah.

Pirlo ayaa qoraalkiisa ku soo xidhay: “Ugu danbeyn waxaan u mahadcelinayaan dhamaan taageerayaasha dunida oo dhan ee i tusay taageeradooda. Mar walba qalbigeyga ayaad ku jirtaan.”

Koobabkii uu Andrea Pirlo Ku Soo Guulaystay Waayihiisii Ciyaareed Ee cajiika Ahaa:

Comments

comments