RASMI: Afarta Xul Ee Ku Tartami Doona UEFA Nations League Oo Dhamaystirmay, Taariikhda Isku Aadka Afar Dhamaadka La Samaynayo Iyo Waqtiga La Ciyaari Doono Finalka Tartankan Oo La Shaaciyay.

Waxaa xalay la soo gaba gabeeyay  heerkii groupyada ee tartanka cusub ee UEFA Nations League waxaana hadda si rasmi ah loo ogaaday afarta xul qaran ee mid ka mid ahi uu markii ugu horaysay ku guulaysan doono koobka UEFA Nations League ee xulalka qaramada qaarada Yurub.

Isku aadka afar dhamaadka UEFA Nations League ayaa la samayn doonaa waxaana sidoo kale la shaaciyay taariikha la ciyaari doono labada kulan ee afar dhamaadka UEFA Nations League halka sidoo kale lagu sii dhawaaqay taariikhda la ciyaari doono maalinta la ciyaari doono finalka iyo kaalinta saddexaad ee UEFA Nations League.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog la xidhiidha xulalka qaramada soo baxay ee ku sii tartami doona UEFA Nations League iyo waliba waqtiga la samayn doono isku aadkiisa si la mid ah taariikhaha muhiimka ah ee la ciyaari doono finalka iyo kaalinta saddexaad ee tartankan.

Goormaa La Samaynayaa Isku Adka Afar Dhamaadka UEFA Nations League:

Isku aadka wareega afar dhamaadka UEFA Nations league ayaa lagu samayn doonaa magaalada Dublin maalinta isniinta ee December 3,2018 markaas oo ay afarta xul qaran ee tartankan iskugu soo hadhayaa ay ogaan doonaan cida ay wajihi doonaan.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Afar Dhamaadka, kaalinta saddexaad iyo waliba Finalka UEFA Nations League?:

Kulamada dhamaadka UEFA Nations League waxaa la ciyaari doonaa bisha June 2019 horaanteeda markaas oo ah xili ay soo dhamaan doonaan horyaalada Yurub waxaana kulamada afar dhamaadka UEFA Nations League la ciyaari doonaa June 5,2019 iyo June 6,2019.

Kulanka kaalinta saddexaad loo tartamayo iyo waliba kulanka kama danbaysta finalka ee UEFA Nations League ayaa isku maalin la ciyaari doonaa waxaana la shaaciyay in Finalka UEFA Naions League la qaban doono maalinta June 9,2019.

Xulalkee Iskugu Soo Hadhay Afar Dhamaadka UEFA Nations League?

Xulalka qaramada Engalnd, Portugal, Switzerland iyo Netherlands ayaa iskugu soo hadhay afar dhamaadka UEFA Nations league iyada oo waliba xulka qaranka Netherlands uu shantii daqiiqo ee ugu danbeeyay kulankii Germany ay meesha ka saareen fursadii France uu wareegan ugu soo baxayay.

Sidaa daraadeed, xulalka qaramada England, Netherlands, Portugal iyo Switzerand ayaa isku aadka afar dhamaadka loo samayn doonaa iyada oo laba ka mid ahi ay finalka iskugu iman doonaan halka kaalinta saddexaad ay ku tartami doonaan labada xul ee guuldaraysta wareega afar dhamaadku.

Sidaa daraadeed, kadib dagaal xoogan oo ay soo galeen, afarta xul qaran ee UEFA Nations League ku tartami doonaa waxay noqon doonaan England, Portugal, Switzerland iyo Netherlands iyada oo xulalkii magaca waynaa ee Spain, Germany, France iyo kuwii kaleba daaqada laga tuuray.