RASMI: Xili Ciyaareedka Cusub Ee UEFA Champions League Oo Haddaba Qaabaysmay Iyo Kooxaha Sida Tooska Ah U Soo Baxay.

Xili ciyaareedka cusub ee UEFA Champions League ayaa haddaba si buuxda u qaabaysmaya kadib markii ay kooxo kale ku soo biireen heerka Groupyada UEFA Champions league ee 2019/2020.

22 kooxood ayaa si rasmi ah u xaqiijistay booskooda UEFA Champions League ee xili ciyaareedka cusub waxaana wali jira dhawr kooxood oo booskooda u dagaalamaya.

Sida uu sharciga UEFA dhigayo 26 kooxood ayaa si rasmi ah ugu soo baxaya heerka Groupyada Champions League halka lix kooxood oo kale ay isreeb reeb u soo gali doonaan in ay soo gaadhaan heerka guruubyada Champions League.

Min afartii kooxood ee horyaalada Spain, Germany iyo England ayaa si rasmi ah booskooda u xaqiijistay iyada oo kooxda Valencia noqotay kooxda dhamaystirtay kooxihii Spain ee soo baxay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Axad Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Xili ciyaareedka cusub waxaa heerka guruubyada Champions League kooxaha Spain ku matali doona Barcelona, Atlético Madrid, Real Madrid iyo Valencia oo kulankii ugu danbeeyay booskeeda ku xaqiijisatay.

Horyaalka Jarmalka waxaa UEFA Champions League u soo baxay afar kooxood ee kala ah  Bayern München, Dortmund, Leipzig iyo Bayer Leverkusen oo kulamadii ugu danbeeyay booskeeda ku rahmatay.

Horyaalka Premier League oo hore loogu kala baxay waxaa heerka guruubyada Champions League ee xili ciyaareedka cusub jooga Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Tottenham.

Laakiin Liverpool iyo Tottenham midkii ku guulaysata koobka Champions League waxay gali doontaa Pot 1 oo ah kooxaha hogaamin doona isku aadka Champions League.

Kooxda Galatasaray ayaa ku guulaystay horyaalka Turkey si ay booskeeda heerka groupyada Champions league si toos ah ugu soo baxday waxaana sidoo kale booskeeda xaqiijisatay Shakhar oo horyaalka Ukraine ku guulaysatay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waakee Halka Ciyaartoy Ee Ay Taageerayaasha Man United Dalbadeen In Kulanka Caawa Ee Chelsea Uu Solskjaer Shaxdiisa Ku Soo Bilaabaa?

Kooxaha PSG iyo Lille ayaa horyaalka France ku matalaya heerka Groupyada Champions League  waxaana sidoo kale soo baxay Benfica oo Portugal horyaalkiisa ku soo guulaysatay halka Zenit ay ka soo baxday Russia. Kooxda Salzburg ee dalka Austeria ayaa iyaduna soo baxay.

Kooxaha Juventus iyo Napoli ayaa ilaa hadda ah labada kooxood ee Serie A ka soo baxay waxaana jira dagaalka kaalinta saddexaad iyo afraad oo aan wali lagu kala bixin.

Halkan kaga bogo Liiska Kooxaha U Soo Baxay Heerka Guruubyada Champions League Ee Xili Ciyaareedka Cusub Ee Soo Socda:

Spain: Barcelona, Atlético Madrid, Real Madrid, Valencia

England: Manchester City, Liverpool, Chelsea, Tottenham Hotspur

Italay: Juventus, Napoli

Germany: Bayern München, Dortmund, Leipzig, Bayer Leverkusen

SIDOO KALE AKHRISO:  Xiddiga Garoonka, Xiddigaha Fashilmay Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Ka Badisay Burnley

France: Paris Saint-Germain, LOSC Lille

Russia: Zenit

Portugal: Benfica

Belgium: Genk

Austeria: Salzburg

Turkey: Galatasaray

Ukraine: Shakhtar Donetsk

Afar  kooxood oo kale ayaa ku soo biiri doona kooxaha liiskan ku jira kuwaas oo si rasmi ah u xaqiijisan doona booskooda heerka Groupyada Champions League halka 6 kooxood oo kale ay isreeb reebyo soo gali doonaan.