Raphael Varane Oo Sheegay In Kulankii Ay La Ciyaareen Belgium Uu U Ahaa Kiisii Ugu Fiicnaa Xirfadiisa Inta Uu Xidhan Yahay Maaliya Xulka Qaranka France.

Difaaca xulka qaranka France iyo kooxda Real Madrid Rafael Varan ayaa ku tilmaamay kulankii ay kula ciyaareen Belgium wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018 inuu ahaa kiisii ugu fiicnaa inta u xirnaa maaliyada xulka qaranka France.

Rafael Varan ayaa u sheegay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France: “Kulanka Belgium waxaan ku qasbaneen inaan sameyno difaacasho xoogan tan iyo bilawga xili ciyaareedka, waxaan u shaqeenay si wanaagsan ee wada jir ah, waxaan awoodnay inaan u ciyaarno si daganaan ah”.

Difaaca kooxda Real Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Laga yaabee in kulanka Belgium uu ahaa kii ugu wanaagsanaa inta aan xidhnaa maaliyada xulka qaranka France, laakiin waxaan caawinaad xoogan ka helay saaxiibadey, N’Golo Kanté wuxuu dhaqaaq ka sameeyay meel kasta ee garoonka gudihiisa ah, Pogba wuxuu soo afjaray kubado badan, taasoo ii sahashay in shaqo fiican qabto”.

Xidiga reer France ayaa wuxuu sidoo kale u jawaab celiyay hadalka kasoo yeeray goolhaayaha xulka qaranka Belgium Thibaut Courtois kadib markii uu shaki galiyay guusha xulka qaranka France wuxuuna yidhi: “Waan guuleesanay taas ayaana ah muhiimada”.

Rafael Varan ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Cyaartoyda weerarka ka ciyaarta waxay naga caawiyaan in badan ee dhanka difaaca ah, sidoo kale waa inaan iyagana ka caawinaa waajibaadka ka saaran dhanka weerarka”.

Si kastaba Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 1-0 ku khaarajiyeen Belgium. Samuel Umtiti ayaa noqday geesiga xulka France kadib marii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu ku garaacay Belgium isla markaana ay ugu soo baxeen finalka koobka aduunka.