Rajo Cusub- Tababaraha Xulka Guinea Oo Rajo Wayn U Abuuray Liverpool Ee Xaalada Naby Keita.

Liverpool FC Kit Launch with manufacturer New Balance at Anfield, Liverpool. Pictured: Photo by Ian Cooper

Tababaraha xulka qaranka Guinea ee Paul Put ayaa rajo wayn u abuuray jamaahiirta kooxda Liverpool ee xaalada dhaawicii Naby Keita.

Naby Keita ayuu dhaawac ku soo gaadhay kulankii lugtii hore ee afar dhamaadka Champions League ee Camp Nou ka soo dhacday.

Wuxuuna Jurgen Klopp markaas saxaafada u sheegay in Naby Keita uu seegaya finalka Champions League iyo waliba koobka qaramada Afrika ee CAF 2019.

Jurgen Klopp ayaa muddada uu Naby Keita garoomada ka maqnaanayo ku tilmaamay laba bilood laakiin hadda tababaraha Guinea ee Paul Put ayaa war cusub ka soo saaray xaaladii ugu danbasyay ee Keita.

Tababare Paul Put ayaa sheegay in Naby Keita uu ka mid noqon karo kooxda Liverpool ee finalka Champions league isaga oo cadeeyay in uu daawayn ku qaadanayo dalka Switzerland.

Tababaraha xulka Guinea ee Paul Put oo ka hadlaya Naby Keita ayaa yidhi: “Waxa uu dhakhtirkiisa kula tashaday Switzerland ee ka bilaw ahaan. Daawaynta dhakhtarka ayuu ku dhex jiraa”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xidig Muhiim Ah Oo Liverpool Ka Tirsan Oo Xili Hore Ka Baxay Tababarkii Ka Horeeyay Finalka UEFA Super Cup Iyo Walwalka Ku Xeeran.

Laakiin tababare Paul Put oo rajo wayn u abuuraya Liverpool ayaa yidhi: “Xataa waxaa suurtogal ah in uu ku soo baxo liiska finalka Champions league, haddii uu run yahay wixii la ii sheegay. Waynu arki doonaa”.

“Waanu sugi doonaa oo aanu sii ahaan donaa xaqiiqo ku nool, waqtigani ma aha kii la deg degi lahaa, waxaa waajib nagu ah in aanu sugno oo aanu aragno sida ay u socoto’. ayuu Paul Put u sheegay Foot224.

Naby Keita oo u dabaal degaya guushii Liverpool ee Anfield

Liverpool ayaa finalka Champions League la ciyaari doonta Tottenham marka ay taariikhdu tahay June 1,2019 waana waqtiga ay Reds si rasmi ah u ogaan doonto haddii uu Naby Keita fursad haysto.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Maamulka Horyaalka Premier League Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Garsoorka Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Labaad Ee Xili Ciyaareedka Cusub.

Dhinaca kale xulka qaranka Guinea ayaa koobka qaramada Afrika bilaaban doona June 22,2019 markaas oo ay wajihi doonaan jasiirada madagascar kadib waxay la ciyaari doonaan Nigeria iyo Burundi.