Rajadii Chelsea Ee Gonzalo Higuain Oo Soo Dhamaatay Iyada Oo Juventus Iyo AC Milan Ay Ku Heshiiyeen Saddex Saxiix Oo Lays Dhaafsanayo.

Rajadii ay kooxda Chelsea ka qabtay saxiixa gool dhaliyaha kooxda Juventus iyo xulka qaranka Argentina ee  Gonzalo Higuain ayaa soo dhamaatay kadib markii uu heshiis dhex maray kooxaha AC Milan iyo Juventus kaas oo sabab u noqonaya in saddex heshiis hal mar lawada dhamaystiro.

Kooxaha AC Milan iyo Juventus ayaa heshiis ka gaadhay Gonzalo Higuain iyada oo Milan xidiga ree Argentina kula wareegi doonta qandaraas laba qaybood ka kooban waxayna marka hore ku qaadan doontaa amaah balse waxay si rasmi ah ugula wareegi kartaa 32 milyan gini laakiin sidoo kale Milan ayaa heshiiska amaahda ah ee Higuain ka bixinaysa 15 milyan gini.

Laakiin Juventus ayaa taas badalkeeda helaysa difaacii hore ee kooxdeeda ee  Leonardo Bonucci oo qayb ka ah heshiiska uu Higuain ugu dhaqaaqayo AC Milan laakiin sidoo kale AC Milan ayaa helaysa  Mattia Caldara  oo isna ka soo wareegaya Juventus.

Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa si wayn u doonayay in Stamford Bridge uu kula midoobo Gonzalo Higuain kaas oo hore loo sheegay in uu AC Milan ka doorbidayay Chelsea laakiin heshiiska dhex maray kooxaha Juventus iyo AC Milan oo waqti dhaw lagu dhawaaqi karo ayaa rajadii Sarri ee Higuain dilay.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta gool dhaliye tayo sare leh waxayna haysataa 9 maalmood oo kaliya si ay heshiis muhiim ah u samayso maadaama oo aanu Sarri ku qanacsanayn awooda Alvaro Morata waxaana Blues si xoogan loola xidhiidhinayaa gool dhaliyaha Bayern Munich ee Lewandwoski.

Si kastaba ha ahaatee, rajadii ay jamaahiirta Chelsea ka qabeen in xili ciyaareedka cusub ay kooxdooda ku arki karaan Gonzalo Higuain ayaa hadda muuq beeshay iyada oo AC Milan helaysa adeega Higuain kaas oo ay hadda ku garaacday Chelsea.