Ra’iisal Wasaaraha Ruushka Oo Ka Hadlay Guul-darradii Dalkiisa Kasoo Gaadhay Ciyaartii Croatia

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ruushka Dmirtry Medvedev ayaa ka hadlay guul-darradii dalkiisa kasoo gaadhay ciyaartii ay la yeesheen Croatia siddeed dhamaadka Koobka Adduunka, taas oo rikoodheyaal ay guushu ku raacday Croatia.

Medvedev oo fadhiyey garoonkii ay ciyaartu ka dhacay ee magaalada Sochi ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu soo saaray hadal kooban oo uu kaga hadlayo sidii uu u arkayey ciyaaryahannadii dalkiisa iyo halka ay soo gaadheen.

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu sheegay inuu uga mahadcelinayo ciyaartooyadiisa sida ay u ciyaareen Koobka Adduunka oo u qalanta mahadcelin maadaama ay soo gaadheen wareegga siddeeda oo ay si lama filaan ah uga soo gudbeen wareeggii koowaad ee Groupyada iyo 16-ka ka hor intii aanay jallaafo u dhigin Croatia.

“Mahad-naq ballaadhan ayaan Ruushka u diyaarayaa sida ay u ciyaareen tartankan Ruushka gudihiisa” Sidaas ayuu yidhi ra’iisal wasaare Dmitry Medvedev oo farriin kooban soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Instagram.

Ruushka ayaa ay dada badan saadaalinayeen inuu soo dhaafi karayo Croatia oo uu u gudbi karayo wareegga semi-finalka oo ay wada ciyaari lahaayeen England oo colaad siyaasadeed ka dhaxayso, hase yeeshee nasiibka ayaa kala badbaadiyey.