Raheem Sterling Oo Shaaca Ka Qaaday Sida Uu Ku Gaari Karo Heerka Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

Raheem Sterling ayaa ku riyaaqay dhowr bilood oo aad u fiican oo soo maray, waxaana uu shaaca ka qaaday sida uu ku gaari karo heerka ay joogaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Sterling ayaa ku hogaamiyay xulka England guushii 5-3 ee ay ka gaareen Kosovo habeenkii Arbacada, isagoo sannadkan 2019 ku jiray qaab ciyaareed aad u fiican.

Waxay taasi keentay in weeraryahanka Manchester City la soo hadal qaado inuu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican caalamka, laakiin waxa uu sheegay inuu u baahan yahay inuu si joogta ah u soo bandhigo qaab ciyaareedkan ka hor inta uusan ka mid noqonin xiddigaha ugu fiican dunida.

Ka dib kulankiisii garoonka St Mary’s, Sterling ayaa la weydiiyay haddii uu ku dhawaanayo heerka labada xiddig ee ugu sareeya caalamka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Waxa uu ku jawaabay: “Marka aad eegto ciyaartoydaan waxyaabaha cajiibka ah ay sameeyeen kaliya ma sameeyaan labo ama seddex xilli ciyaareed, laakiin waayahooda ciyaareed oo dhan ayay sameynayeen, xilli ciyaareedba xilli ciyaareedka ku xiga.

“Waa markii ugu horeysay oo aan si heer sarre ah u ciyaarayo, waa inaan sii wado.

“Waa inaan sii joogteeyo qaab ciyaareedkeyga oo aan isku dayo inaan gaaro meesha ugu sareysa.”

Inkastoo uu sheegay inuu weli wax baranayo hadana Sterling ayaa u muuqda mid kalsooni badan waqti xaadirkaan.

Waxa uu sheegay kulankii xalay ee England inuu ahaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee xulka qaranka.

“Waxaan u maleynayaa in kulankaan uu yahay midkeygii ugu fiicnaa ee England” ayuu yiri.

“Ma jecleyn inaan eego xaqiiqada ciyaarteyda markii aan abaarta waqtiga dheer ku jiray, laakiin habeenkii Spain ee aan dhaliyay labada gool wax walba waa ay soo fiicnaadeen”