Rafcaan Uu Sergio Ramos Ka Qaatay Kaadhkii Digniinta Ahaa Ee Kulankii Barcelona Oo La Soo Diiday Iyo Halista Uu La Kulmi Karo.

Hadal hayna ganaaxyada iyo kaadhadka digniinta ah ee Sergio Ramos ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ahaa waxyaabo ay saxaafada Spain iyo caalamku si joogto ah uga soo hadlayeen. Saddexda tartan ee ay Real Madrid ku jirto ayuu mid kastaba Sergio Ramos ka qaatay kaadhadh kala duwan kuwaas oo uu ganaaxyo kala duwan ku mutaystay.

Sergio Ramos ayaa kaadh digniin ah qaatay kulankii lugtii hore ee Copa Del Rey ee ay Barcelona kula soo ciyaareen Camp Nou laakiin kooxdiisa Real Madrid iyo Ramos ayaa go’aadhay in ay rafcaan ka qaataan kaadhkaas si ay meesha uga saaraan halis wayn oo ku gedaaman kabtankooda.

Sergio Ramos ayaa doonayay in laga masaxo ama laga tirtiro kaadhkii digniinta ahaa ee kulankii Barcelona ee Camp Nou si haddii uu kaadh kale oo digniin ah ku qaato kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey aanu u seegin finalka tartankan haddii ay Real Madrid soo gudubto.

Laakiin xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa soo diiday rafcaankii ay Real Madrid iyo Sergio Ramos ka qaateen kaadhkii digniinta ahaa ee kulankii Camp Nou, wuxuuna hadda halis ugu jiraa in uu seego finalka Copa Del Rey haddii ay Real Madrid soo baxdo isla markaana uu kaadh digniin ah ku qaato kulanka Santiago Bernabeu ee lugta labaad ee Copa Del Rey.

Sergio Ramos ayaa ganaax kooxdiisa Real Madrid kaga maqnaan doona kulanka Levante ee horyaalka La liga kadib markii uu kaadh casaan ah qaatay kulankii FC Girona laakiin markale waxa uu seegi karaa kulanka Real Valladolid haddii uu kaadh digniin ah qaato kulanka Barcelona ee horyaalka la Liga ee Bernabeu.

Waxa kale oo intaas dheer in Sergio Ramos uu ugu yaraan hal kulan oo ganaax ah ku seegi doono Champions League kadib markii uu qaatay kaadhkii digniinta ahaa ee kulankii Ajax laakiin UEFA ayaa baadhitaan ku wada Ramos kadib markii uu cadeeyay in uu si ula kac ah u qaatay kaadhkii digniinta ahaa inkasta oo uu marar danbe beeniyay.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Real Madrid ayaa dhexda ugu jira hadal haynta kaadhadkii ugu badnaa ee saddexda tartan ee La liga, Copa Del Rey iyo Champions League, waxaana hadda hubaal noqotay in laga soo diiday rafcaankii Copa Del Rey uu ku doonayay in aanu finalka seegin haddii uu kaadh kale oo digniin ah qaato kulanka Bernabeu.