Rabitaankooda Difaacashada Premier League Ee Xilli Ciyaareedkan & Sergio Aguero Oo Tilmaamay Saddex Kooxood Oo Kooxdiisa Kula Tartamaya PL.

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Agueero oo bixiyay warraysi kahor kulanka toddobaadkan ee West Ham United ay booqan doonaan ayaa ka hadlay rabitaankooda inay difaacdaan Premier League iyo kooxaha uu u arko kuwa kula tartamaya horyaalka.

Citizens ayaa haatan farqi labad dhibcood ah ku haysa horyaalka Premier League iyaga oo ka sarreeya kooxda sanadkan iska caabinta weyn u muujinsa ee Liverpool waxaana ay maaanka ku hayaan difaacashada horyaalka markii ugu horreysay abid taariikhda kooxda.

Aguero ayaa sheegay in tartanka horyaalku uu sanadkan ka adagyahay sidii midkii hore waxaana uu tilmaamay in saddexda kooxood ee kala ah Liverpool, Chelsea iyo Arsenal ay yihiin kuwa tartanka gelinaya Citizens isaga oo iska iloobay deriskooda Man United oo wakhti adag dhexda kaga jirta.

SIDOO KALE AKHRISO:  Nin Cunsuriyeeyay Mohamed Salah Oo Boliiska Ay Xireen

Sergio ayaa yidhi “Waxaan filayaa in Premier League uu noqonayo mid inbadan ka adag xilli ciyaareedkan midkii hore, Waxan qabaa in Liverpool iyo Chelsea ay yihiin kuwa halista ugu weyn nagu ah aniga oo aan iloobayn Arsenal maadaama oo ay u ciyaarayen si fiican dhawaanahan”

Intaa kaddib xiddiga ree Argentina ayaa banaanka keenay rabitaankooda ah inay difaacdaan horyaalka oo ay mar labaad si xidhiidh ah ku qaadaan isaga oo sheegay in qabashada shaqadaas adagi ay tahay mid kaliyaku xidhan kooxdiisa.

“Aad ayay u adagtahay in Premier League lagu guuleysto mar labaad, Laakiin waxaan filayaa inaan haysano koox fiican waxaan joognaa halka ugu sarreysa ee horyaalka waxaanan leenahay rabitaanka aan ku gaadhayno midaas”

SIDOO KALE AKHRISO:  Xumaan Uma Arko Haddii Uu Neymar Ku Biiro Real Madrid, Waxaanse Sharad Ku Galayaa In Haddii Barcelona......

“Dhammaadka maalinta waxay noqon doontaa mid anaga nagu xidhan, Hadii aan sii wadno inaan si fiican u ciyaarno oo aan helno saddex dhibcoodba saddexda xiga, Waxa ay kooxaha kale qabanayaan ma noqon doonto mid muhiim ah, Laakiin waxaan filayaa inay adkaan doonto ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka”

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa ah labada kooxood ee kaliya ee difaacday Premier League abid taariikhda horyaalkaas tan iyo markii PL loo bixiyay sanadkii 1992.