RAASMI: Ra’isal Wasaaraha Spain Ee Pedro Sanchez Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Waqtiga Uu Horyaalka La Liga Bilaaban Karo.

Ra’sal wasaaraha dalka Spain ee Pedro Sanchez ayaa ugu danbayn si rasmi ah ugu dhawaaqay waqtiga uu xili ciyaareedka horyaalka La Liga uu dib u bilaaban doono wuxuuna si wayn uga farxiyay taageerayaashii muddada labada bilood ka badan sugayay warkan.

Pedro Sanchez ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in horyaalka La Liga uu dib u bilaami doono maalinta June 8 waana waqti ka soo horeeya xiligii markii hore la filayay in xili ciyaareedku uu dib u furmi doono oo ahayd June 12.

Warka ka soo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha Spain ee Pedro Sanchez ayaa si buuxda u damaanad qaadaya in xili ciyaareedka La Liga uu dib u bilaamo doono laga bilaabo June 8 balse maamulka horyaalka La Liga, TV-yada xuquuqda baahinta haysta ayaa jadwalka isla eegi doona mar haddii ay go’aanka rasmiga ah ee dawlada heleen.

Wargayska Diario AS iyo idaacada  Cadena Ser ayaa hore u sii shaaciyay in qorshaha dib u bilaabashada xili ciyaareedka La liga uu ahaa badhtamaha bisha June laakiin go’aanka dawlada Spain ayaa noqday mid ka soo hor maray xiligii la filayay in xili ciyaareedku uu bilaami doono.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo ah labada kooxood ee sida tooska ah ugu tartamaya koobka La Liga ayaa hadda loo sheegay taariikhda rasmiga ah ee uu xili ciyaareedka horyaalku dib u bilaami karo taas oo sii dardar galin doonta tababarkii kooxaha La Liga ee labadii todobaad ee ugu danbeeyay socday.

Mar haddii ay dawlada Spain waajibkeedii horyaalka La Liga gudatay oo ay ogolaadeen in wixii ka danbeeya June 8 uu xili ciyaareedku dib u furmi doono, waxay hadda hawshu ku wareegtay madax waynaha maamulka La Liga ee Javier Tebas.

Javier Tebas ayaa dagaal wayn u soo galay in xili ciyaareedka La Liga uu dhamaystirmo isaga oo gudaha Spain iyo guud ahaan qaarada Yurub uga ololeeyay in dhamaan horyaalada waa wayni ay wada socdaan oo hal mar la wada bilaabo wuxuuna cadho wayn ka muujiyay markii horyaalka France la kansalay.

Horyaalka Jarmalka ayaa todobaadkii labaad la ciyaarayaa halka hoyaalka Premier League iyo Serie A ay yihiin kuwa kale ee shaqada wayn ku jira si xili ciyaareedkooda loo bilaabo.

Afartii horyaal ee Yurub ugu saamaynta badnaa ee La Liga, Premier League, Serie A iyo Bundesliga ayaa dhamaantood hadda raacay dariiqii lagu dhamaystiri lahaa waxaana baxday hubanti la’aantii waqtiga dheer soo jirtay.

Madax waynaha La Liga ee Javier Tebas iyo maamulka horyaalkiisa ayaa hadda bilaabi doona dib u habaynta jadwalka horyaalka La Liga waxayna hore loo xaqiijiyay in xili ciyaareedku uu ku soo labaan doono kulanka derbiga ah ee Sevilla iyo Real Betis oo isku magaalo ah.

Laakiin waxay jamaahiirta kubbada cagtu sugaysaa kulamada ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid dib ugu bilaaban doonaan xili ciyaareedka maadaama oo hadda loo sheegay in laga bilaabo June 8 ay maamulka horyaalka La liga xor u yihiin in ay xili ciyaareedka dib u bilaabaan.

Halkan ka daawo muuqaalka khudbadii uu ra’isal wasaaraha Spain ee Pedro Sanchez uu go’aankan wayn ku shaaciyay:


Si kastaba ha ahaatee, ra’isal wasaaraha dalka Spain ee Pedro Sanchez ayaa taageerayaasha kubbada cagta kaga farxiyay go’aanka uu ku dhawaaqay ee ah in laga bilaabo June 8 ay kulamada La Liga ee baaqiga ahaa dib u bilaami doonaan

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

Halkan Fikiradaada Noogu Dhaaf

Email-kaaga Lama Daabici Doono.


*