QUUS: PSG Oo Xaalad Quus Ah Dhex Dhigaysa Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Xilli Ay Neymar U Fureen Wadadii Uu Mustaqbalkiisa Ugu Hibayn Lahaa!!.

Advertisements

Kooxda caasimada France fadhigeedu yahay ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay bilawday qorshihii ay ugu quus goyn lahayd kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kaddib markii ay wadahadalo la bilaabeen Neymar JR.

Xiddiga ree Brazil ayaa suuqii xagaaga lala xidhiidhinayay inuu ka dhaqaaqay Paris iyadoo kooxdiisii hore ee Barcelona la sheegayay inay diyaarinaysay dalab ay ugu soo celinaysay Camp Nou laba sano kaddib.

Heshiiskii 222 Milyan ee euros ahaa ee uu ugu wareegay PSG sanadkii 2017 ayaa loo arkayay mid balaadhin doona fursada ay kooxdaasi u haysato ku guuleysiga tartanka UEFA Champions League oo ahaa ujeedada ay ula wareegtay.

Neymar ayaa kasoo dhalaalay dhammaan tartamada gudaha France balse ka qayb qaadashadiisa Champions League gaar ahaan wareegyada bug-baxa ayaa ahaa kuwo aad u kooban kaddib dhaawacyo dishooday.

Sida lagu sheegay wargeyska Telefoot haatan, Shaqsiyaadka metela Neymar ayaa haatanba wadahadalo la furay PSG iyagoo ka wada xaajoonaya suurogalnimada ay ku kordhinayaan heshiiskiisa haatan.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wargeyska ESPN uu sheegay in Neymar uu ku wargeliyay inuu qandaraas kordhin u samayn doono Paris haddiiba ay meel wanaagsan ka gaadhaan Champions League.

Waxa la aaminsan yahay in 27 sano jirkani uu haatan yareeyay xidhiidhkii xumaa ee kala dhaxeeyay kooxdiisa tan iyo xagaagii isaga oo xilli ciyaareedkan qaab wanaagsan u ciyaaraya 13 gool iyo 7 caawimona soo sameeyay.

Ugu dambayn, Warbixinada ayaa intaas ku daraya in suurogalnimada heshiis kordhin uu imika Neymar ku samayn karo ay sarreyso sababtoo ah inuu sal dhigtay oo uu ku xasilay magaalada Paris.

Advertisements