QUUS: Kaddib Guuldarradii Old Trafford Kaga Soo Gaadhay PSG, Tababare Solskjaer Oo Si Cad U Sheegay HAL Ciyaartoy Oo Kooxdiisa Ka Tirsan Oo Uusan Caawin Karin.

Tababarha sida kumeel gaadhka ah u haysta xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaddib guuldarro waji gabax leh oo kooxdiisa kasoo gaadhay PSG sheegay hal ciyaartoy oo safkiisa ka tirsan oo uusan waxba u qaban karayn.

Solskjaer ayaa ciyaartoyga uu sida gaarka ah u tilmaamay uu yahay Alexis Sanchez kaas oo gabi ahaanba ku dhex muuq beelay ciyaarta markii bedel lagu soo galiyay dhammaadkii qaybta hore ee ciyaarta.

Sanchez ayaa garoonka ka bedelay Jesse Lingard oo dhaawac soo gaadhay waxaana uu wakhtiga uu gegida ku jiray ahaa mid aan wax saamayn ah samayn.

Haddaba, Mar Solskjaer wax laga weydiiyay Sanchez oo kaliya shan gool soo dhaliyay tan iyo markii uu United kaga soo biiray dhinaca Arsenal ayaa sheegay in isagu uusan waxba ku samayn karin bandhigyadiisa balse ciyraartoyga ay khusayso sida uu dib ugu helayo ciyaartiisii wacnayd.

Ole Gunnar ayaa yidhi “Anigu waxba kama qaban karo Alexis, Waxa uu u baahan yahay inuu helo shaqsiyadiisa, Waxa uu u baahan yahay inuu raadiyo nafsadiisa maadaama oo aan ognahay inuu ciyaartoy tayo lehi meesha ka jiro”

Xiddigaha qaab ciyaareedka wacan ku jiray ee Martial iyo Lingard ayaa dhaawac uga baxay kulankii xalay kahor intii aysan PSG laba gool ku dhalin toddoba daqiiqo gudahood iyadoo labada gool ay kala dhaliyeen da’yarta Presnel Kimpembe iyo Kylian Mbappe.

In Manchester 2-0 loogaga adkaaday mininkooda isla markaana kaadhka cas loo taagay Paul Pogba oo muhiimad weyn u leh ayaa musiibo ku noqon karta kulanka lugta dambe ee Paris ka dhici doona.

1 Comment

  1. CABASO;-
    WARYAADHAHEEN WAXAAN WAX KA AKHRISAN LA’NAHAY ODS KA BOGGA HAYSTEE FADLAN DHIBAATUU NAGU HAYAAYE SIDAN U DHAAMA BOGGA OO KA KALA YAREEYA HADAAD XAKAMAYNKARTAAN WEEYE.
    Apdihakem Omer Adem
    Batalaale

Comments are closed.