Qorshaha Paris Saint-Germain Ay Kula Soo Saxiixanayso Luis Suarez Oo La Ogaaday & Kooxda Ree France Oo Edinson Cavani Uga Takhalusaysa Si Ay U Farxad Galiso Neymar JR.

Qorshaha ay kooxda ree France ee Paris Saint-Germain kaga aadan qaabkii ay kula soo saxiixan lahayd weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa la ogaaday iyadoo ay xusid mudantahay in Neymar JR uu dhawaan maamulka kooxdiisa ka codsaday in xiddigan loo keeno.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda ee Antero Henrique ayaa hormood ka ah hawlgalka Suarez lagu soo xero galinayo, Henrique ayaana marka hore u baahan doona inuu meel saaro mustaqbalka Edinson Cavani kaas oo ay dhawr jeer oo xilli ciyaareedkii hore ah ay isku dhaceen Neymar JR kaddib markii ay isku qabsadeen laadad xor ah iyo gool kulaadyo.

PSG waxay u baahan doontaa inay iibiso weeraryahankeeda dhexe isla markaana ay ka digtoonaato sharciga dhaqaale wanaaga ee xidhiidhka qaarada Yurub ee UEFA iyagoo sidoo kale ka warqaba in Luis Suarez uu ku kici doono kharash ka badan midka Edinson Cavani.

Haddaba arrinta ugu weyn ee caqabada ku noqon karta in heshiiskani uu dhaco ayaa ah in xidhiidhka labad dhinac uusan ahayn mid fiican tan iyo markii ay Paris lacago waali ah Barca kaga qaaday Neymar iyagoo aan markoodana ka aqbalin dalabaad ay kooxda ree Catalonia ku doonaysay  Thiago Silva, Marquinhos, Verratti & Angel Di Maria.

Waxa sidoo kale saamayn ku yeelan kara heshiiskan dalka Qatar oo ah dalka maalgaliya kooxda Paris Saint-Germain halka uu hore Barcelona xidhiidh ula lahaa balse haatan Barca ay halkiisii ku badashay shirkada ree Japan ee Rakuten, Sababtaas darteed Paris waxa ku adkaan doonta dalab kasta oo ay ka gudbiso Suarez oo lacagta heshiiskiia lagu jabin karaa ay dhantahay 200 Milyan.