Qorigii Chelsea Waa La Qabtay Oo Waa Jorginho Jooji, Man City Wali Lama Hayo-Gary Neville Oo Qiimayn Sameeyay.

Khabiirka Sky Sports ee Gary Neville ayaa tilmaamay in kooxaha Premier league ay hadda fahmeen qaabkii lagu joojin lahaa kooxda Chelsea kadib markii ay kooxaha Everton iyo Tottenham bartilmaameed ka dhigteen joojinta Jorginho taas oo keentay in laba kulan oo xidhiidh ah ay Blues lumisay 5 dhibcood.

Gary Neville ayaa sheegay in Maurizio Sarri ay hadda tartan wayn ku noqon doonto qaabkii uu ku xalin lahaa in laga fahmay tatikadii uu kulamada badan xili ciyaareedkan ku soo guulaystay taas oo ahayd in Jorginho uu ahaa mishiinka soo dhaqaajinayay Blues.

Gary Neville ayaa ku dooday in kooxaha Premier Leageu ay hadda qabteen qorigii Chelsea balse ay ilaa hadda awoodi kari waayeen in ay qabtaan qoriga kooxda Manchester City ee Pep Guardiola.

Gary Neville oo ka hadlaya sida ayna hadda kooxaha Premier League u ogolaan karin in Jorignho uu saamayntiisii sii wato iyo in Sarri ay tartan ku tahay ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in ay tartan ku tahay Maurizio Sarri, sababtoo ah dadku Jorginho uma ogolaan doonaan in uu kulankiiba bixiiyo 1000 baas waana inta badan ee ay arkeen saamayntaas uu ku leeyahay”.

Gary Neville oo ka hadlaya sida ay kooxaha Premier League ku joojin doonan Jorginho ee kooxda dhan ee Chelsea dhibaatada ku noqon doonta ayaa yidhi: “Kooxuhu waxay isaga ku wareejin doonaan ciyartoy, marka aad qasto qaab ciyaareedka kooxi ay ku tiirsan tahay, iyaga ayaad kala jabisay, ishii ayaad iyaga ka joojisay”.

Gary Neville oo qiryaa in kooxaha Premier league ay wali laayihiin qorigii Guardiola ee kooxdiisa Manchester City ayaa yidhi: “Kooxuhu waxay isku dayaan oo ay ka shaqeeyaan xoganaanta iyo ilaha dhibaatada, iyagu wali kamay shaqayn Manchester City, laakiin koox kasta oo kale way ka shaqeeyeen halka ay isha dhibaatadu tahay”.

Sarri ayaa u baahan doona in uu shaxdiisa isku badal sameeyo iyada oo waliba Kante uu ku soo laaban doono dhexda danbe ee burburiyaha si uu u caawiyo difaaca ceebtu ka soo gaadhay kulankii Tottenham laakiin in hadda la bartilmaameedsanayo wadnihii khadka dhexe ee Jorginho ayaa Sarri tartan culus ku keenaysa.