Qolka Labiska Barcelona Oo SADDEX Kooxood Ka Dhex Samaysmeen, Koox Diidan Mushahar Dhimis Inay Samayso Mudada Karantiilka & Sababta Oo La Ogaaday.

Kaddib codsigii ay maamulka sarre ee kooxda Barcelona u gudbiyeen xiddigaha kooxdooda isla markaana ay ku doonayaan inay 70% mushahar dhimis ah sameeyaan mudada karantiilka Coronavirus qolka labiska ee kooxdaas ayaa saddex geesood noqday.

Inta badan kooxaha ree Yurub ayaa ka siman go’aankaas walow ay ku kala duwan yihiin boqolkiiba inta mushahar dhimista la samaynayo haddana waxa jira kooxo badan oo doonaya inay heshiiskaas la gaadhaan xiddigahooda.

Aan ku bilawnee Qaybta koowaad ee qolka labiska Barca ayaa ah kuwo diidan inay wax mushahar dhimis ah sameeyaan iyagoo aan fahamsanayn sababta uu madaxweyne Josep Maria Bartomeu ciyaartoyda wax uga dayayo.

Sababta ugu weyn ee ay u diidan yihiin inay wax mushahar dhimis ah sameeyaan ayaa ah maadaama oo ay aaminsan yihiin inay kooxdu dhaqaale ka samaysay iibka xiddigo aan muhiim ahayn.

Kooxda labaad ayaa ah kuwo aaminsan in codsiga kooxdoodu uu yahay mid la aqbali karo oo ay ka fikiri doonaan, Wakiilada xiddigahan ayaa ah kuwo baadhis samaynaya walow aysan wali ogolaansho buuxa bixinin haddana waxa ay rajaynayaan inay si aan joogto ahayn u dhimaan mushaharkooda.

Kooxda saddexaad ee ugu dambaysa ayaa ah kuwo ka war sugi doona xidhiidhka kubadda cagta ciyaartoyda ee Spain iyo fikrada ay keeni doonaan si ay intaas kaddib iyaguna go’aan u gaadhaan.

Il wareedka COPE ayaa shaaca ka qaaday in xidhiidhka ciyaartoyda kubadda cagta Spain ay la kulmeen madaxda horyaalka La Liga si ay ugala shaqeeyaan heshiiska ah inaan horyaalka la ciyaarin kahor 30-ka bisha June isla markaana ay ciyaartoydu 10% mushahar dhimis ah sameeyaan.