“Qolka Labiska Ayaan Ugu Heesaa Si Uu Kooxda U Joogo” – Mid Kamid Ah Xiddigaha Chelsea Oo Fanaan Iskugu Bedelay Si Uu U Qanciyo Eden Hazard.

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Ruben Loftus-Cheek ayaa sheegay inuu qolka labiska ugu heeso xiddiga kooxdiisa ee Eden Hazard si uu ugu qanciyo inuu kooxda kusii baaqi ahaado.

Hazard ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinaya inuu ku biiri doono kooxda aan marnaba ka quusan saxeexiisa ee Real Madrid iyada oo xataa la sheegay inuu u wareegi doono kaddib Final-ka Europe League ee 29 May qabsoomaya.

Xiddiga ree Belgium ayaa toddoba xilli ciyaareed oo wanaagsan kusoo qaatay kooxda ree London waxaana uu lasoo hantay mudadaas Laba Premier League , FA Cup, EFL Cup iyo the Europa League.

Loftus-Cheek oo kusoo biiray shaqsiyaadka Chelsea ka tirsan ee u ololaynaya in Hazard uu kusii nagaado Blues ayaa sheegay in uu 28 jirkani yahay mid kooxda koobab badan kusoo guuleeyay oo uu shaqsi kasta oo kooxda ka tirsani doonayo inuu sii joogo.

Ruben Loftus Cheek oo ka warramaya sida uu sababta Hazard fanaanka ugu noqday ayaa yidhi “Anigu midaas (Inuu joogo) ayaan wajigiisa ugu hor heesayay, Qolka labiska dhexdiisa”

“Waan hubaa in qofkasta oo kooxda joogaa uu doonayo in isagu joogo, Ciyaartoyda, Jamaahiirta, Shaqaalaha oo ay maamulku ku jiraan”

“Isagu waa mid hibo sidaas ah leh iyo ciyaartoy kaas oo wax badan kusoo kordhiyay kooxda toddobadii sano ee ugu dambeeyay, Koobabka uu kooxda kasoo caawiyay si ay ugu guuleysato, Qofkasta wuu ku raaxaystay inuu isaga daawado toddobadii sano ee ugu dambeeyay”

“Waan hubaa in kooxdu ay isaga ugu mahad celisay waxa uu qabtay haddii uu go’aansado inuu dhaqaaqo kaddib waxaan u rajaynayaa wanaag oo dhan”