“Qofna Ma Fahmi Doono Xidhiidhka Ka Dhaxeeyay Jugtii Isoo Gaadhay Iyo Qaladaadkii Aan Sameeyay” Goolhaye Loris Karius Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Kulankii Final-ka Champions League Ee Musiibada Ku Noqday.

Goolhayaha kooxda ree Turkey ee Besiktas ahna goolhayaha haatan amaahda kaga maqan kooxda Liverpool ayaa markii ugu horreysay mudo kaddib si qiiro leh uga hadlay qaladaadkii foosha xumaa ee uu ka sameeyay kulankii Final-ka Champions League ee xilli ciyaareedkii hore.

Loris Karius ayaa u muuqday xiddiga go’aamiyay Final-kii Champions League ee bishii May ka dhacay magaalada Kiev ee dalka Ukraine kaddib qaladaad cad oo uu sameeyay kuwaas oo qalbi jab ku riday wiilasha Klopp iyo jamaahiirta Reds.

Haddaba, Goolhayaha ree Germany oo si qiiro ka muuqato uga hadlay qaladaadkiisii kulankaas walow hadalkiisa laga dhex akhrisan karo inay saamayn ku yeelatay jugtii uu gaadhsiiyey Sergio Ramos oo madaxa ka xusuleeyay.

Goolhayaha haatan ee Besiktas ayaa yidhi “Qofna waligii ma ogaan doono xidhiidhka ka dhexeeya jugtii isoo gaadhay iyo qaladaadkii aan intaa kaddib ka sameeyay garoonka, Maaha cudur daar ee kaliya waa sharaxaad”

“Ma ogi haddii uu Sergio Ramos si ula kac ah aniga ii dhaawacay, Kaliya isaga ayaa garanaya laakiin muhiim maaha, Si kastaba aniga waligay igumuu odhan raali ahaw, Tijaabooyinkii ay igu sameeyeen ayaa muujiyay inaan qabay jug muuqata”

Karius ayaa ugu dambayn sheegay in marka loo eego caqabadaha macquulka ah ay adkaan lahayd inuu qaladaadkaas sameeyo, “Caqabadaha caadiga ah, Way adagtahay in la qiyaaso inaan qaladaadkaas samayn lahaa”

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Karius ayaa laga dhex akhrisan karaa in sababta ugu weyn ee uu kulankaas ugu fashilmay ay ahayd jugtii kasoo gaadhay Kabtan Sergio Ramos.