Qodobadii Ugu Muhiimsanaa Ee Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Wargaysyada Ingiriisku Caawa Qoreen.

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Kubbada cagta aduunka ayaa hakad ugu jirta saamaynta cudurka coronavirus laakiin taasi kooxaha kama horjoogsanayso in ay sii diyaar sadaan bartilmaameedyada ay suuqa kala iibsiga ka doonayaan.

Inkasta oo uu wali xidhan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoydu, haddana kooxaha ayaa lala xidhiidhinayaa ciyaartoy badan oo ay suurtogal tahay in ay xagaaga la soo wareegi doonaan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobnay wararkii suuqa kala iibsiga ugu danbeeyay iyo waxyaabihii ay wargaysyada gobolada Ingiriisku caawa qoreen.

LONDON EVENING STANDARD
Manchester United ayaa hogaamineysa tartanka saxiixa Jadon Sancho, iyadoo madaxda Borussia Dortmund ay aaminsan yihiin inuu ku sii jeedo Old Trafford.

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay heshiis la gaari doonaan kooxda Real Madrid si ay u dheereeyaan heshiiska amaahda ee ay ku heystaan Dani Ceballos taasoo ku eg 30ka bisha Juun.

Halyeeyga Ingariiska Alan Shearer ayaa digniin ku bixiyay in Harry Kane uu ka tagi doono Tottenham sannadka danbe haddii kooxda ay ku guuldareysato inay koob qaado.

FOOTBALL.LONDON
Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay kooxda reer Brazil ee Sao Paulo iyagoo doonaya daafaca dhexe Wallace si uu sheegay madaxa maamulka kooxda.

Pedro ayaa qirtay in waqtigiisa Chelsea uu soo dhamaan doono xagaagan marka uu dhaco qandaraaskiisa kooxda Blues.

MANCHESTER EVENING NEWS
Aabaha dhalay Erling Haaland ayaa soo jeediyay in wiilkiisa uu iska diiday Manchester United sababo la xiriira walaac uu ka qabay mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer ee kooxda.

Xiddigii hore ee Manchester United Joshua Bohui ayaa sheegay inuu u qalmay in fursad la siiyo waqtigii uu kooxda tababare ka ahaa Jose Mourinho. 21 jirkaan ayaa wacdarro u dhigay da’da yarta United laakiin waxa uu go’aansaday inuu sannadkii hore ka tago Old Trafford madaama uu fursad ka heli waayay kooxda.

LIVERPOOL ECHO
Kooxda Everton ayaa dalab ka gudbisay daafaca dhexe ee kooxda Lille oo lagu magacaabo Gabriel Magalhaes.

Moise Kean kama tagi doono Everton xagaagan inkastoo lala xiriiriyay inuu amaah dib ugu laabanayo Talyaaniga. Bologna ayaa aheyd kooxdii ugu danbeysaye e Serie A ee lala xiriiriyo weeraryahanka kaasoo sidoo kale diirada u saaran Roma iyo Sampdoria.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qiray in Liverpool ay isku dayday inay la saxiixato sannadkii 1996.