Qoddobkan Oo Kaliya Ayaa Rumayn Kara Heshiiska Riyada Ee Neymar Ee Barcelona, Wakiil Pini Zahavi Ayaana Ah Furaha Is Fahamsiin Kara Barca & PSG.

Barcelona ayaa doonaysa inay kooxdeeda dib ugu soo celiso Neymar JR laba sano kaddib markii uu ka baxay kuna biiray kooxda caasimada France fadhigeedu yahay ee Paris Saint-Germain.

Sanadkii 2017 ayay ahayd markii xiddiga ree Brazil uu fajac ku riday dunida kubadda cagta isla markaana uu iskaga baxay Camp Nou una wareegay Parc des Princes heshiis rekoodh aduun ahaa oo 200 Milyan oo Pound ku qabsoomay.

Barcelona ayaa haatan la sheegay inay diyaar u tahay inay Neymar ka cafiso qaabkii xumaa ee uu kooxdeeda kaga baxay oo ay dhammaystirto afarleyda riyada ee uu kula midoobayo Messi, Neymar & Greizmann.

SIDOO KALE AKHRISO:  Maamulka PSG Oo Dhinacooda Ka Tashaday, Bedelka Neymar JR Oo Ay Sii Calaamadsadeen & Kooxda Ay Weerarka Ku Qaadi Doonaan.

27 jirkan ayaa dhawaan diiday inuu ku laabto Paris Saint-Germain taas oo cadho galisay kooxdaas walow markii dambe la sheegay inuu dhibaato dhaawac oo uu qabo ku maqnaa.

Dhinaca kale xidhiidhka suuqa kala iibsiga ee PSG iyo Barca ayaa ahaa mid holac ah sanadihii ugu dambeeyay tan iyo heshiiskii Neymar.

Si kastaba, Wargeyska Sport ayaa sheegaya in Barca ay adeegsanayso wakiilka Neymar ee Pini Zahavi waxaana ay u sheegtay in qaabka kaliya ee ay doonayaan uu yahay in heshiiska lagu daro ciyaartoy.

Madaxda sarre ee Blaugrana ayaa markasta ka cago jiidaya inay lacag khaas ah bixiyaan balse taa bedelkeeda waxan doonayaan inay lacag qiime ahaan jaban iyo ciyaartoy isku daraan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool Oo Farxad Weyn Ku Dareemaysa In Philippe Coutinho Uu Bayern Munich U Wareegay - Maxay Tahay Danta Ugu Jirtaa?

Sababta dhalinaysa baahidan cusub ee Barcelona ayaa ah inay dhawaan uun 120 Milyan kula soo saxeexdeen Greizmann taas oo wiiqaysa awoodooda dhaqaale ee xilli suuqan.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda tababare Valverde ayaa aaminsan in wakiil Zahavi ayaa uu awoodi doono inuu soo dhammeeyo heshiis xiddigo is dhaafsi oo Neymar Camp Nou loogu soo celinayo.