Qishkii Ugu Weynaa Ee Caddaynaya Kooxda Ku Guuleysatay Saxeexa Neymar Oo La Helay & Ninkii Neymar Geeyay PSG Oo Koox La Shaqaynaya – Barca Mise Madrid?

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee dagaalka ay ugu xifaaltamayaan xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR kaas oo u muuqda mid aan wax niyad ah u hayn baaqi kusii ahaanshaha kooxdaas.

Neymar ayaa laba sano kahor kasoo dhaqaajiyay Barcelona waxaana uu heshiis rekoodh aduun ahaa oo 222 Milyan ku qabsoomay ugu wareegay Paris walow uu halkaas ka waayay farxadii uu hore u haystay.

Neymar ayay ujeedooyinkiisa ugu waaweyni ahaayeen inuu ugu horreynba ka hoos baxo hadhka Lionel Messi isla markaana uu tago koox uu isagu astaan u yahay oo uu koobab kula guuleysto kaddibna ku hanto abaalmarinta xiddiga aduunka.

PSG ayaa ku fashilantay inay 27 jirkan hammigiisii wakhtigaas u rumayso waxaana labada sano ee uu joogayba ay wareega 16-ka kaga hadheen tartanka UEFA Champions League xilli isagana shaqsiyan ay dhaawacyo u dishoodeen.

Haddaba, Kaddib farxad la’aantaas ayuu xiddigan ree Brazil qaaday dhawr talaabo oo uu kusoo jiiday Blaugrana iyo Los Blancos isaga oo muujiyay sida uusan doonayn inuu caasimada France baaqi ugu sii ahaado.

Barcelona ayaa ah kooxda haatan u dhaw inay saxeexa Neymar ku guuleysto kaddib markii la helay qishii ugu weynee ee caddayn buuxda noqon kara waana in Juan de Dios Crespo lagu dhex arkay xafiisyada Camp Nou.

Crespo ayaa ah mid kamida qareenada Neymar waxaana uu kamid ahaa raggii 2 sano kahor lacagtii 222-ka Milyan ahayd ee uu PSG ugu wareegay geeyay xafiiska guud ee horyaalka La Liga.

Kaameradaha Gol TV ayaa duubay qareenadan Neymar oo galaya mid kamida albaabada muhiimka ah ee kooxda Barcelona taas oo ka dhigaysa inuu Neymar ku dhaw dhaw yahay kusoo laabashada Camp Nou marka laga yimaado wararka xoogan ee Madrid la xidhiidhinaya.