QISH: Wargeyska TuttoSport Oo Qishkii Ugu Weynaa Ka Bixiyay Saddexda Xiddig Ee Iskugu Soo Hadhay Abaalmarinta Ballon d’Or & Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Wado La Mariyay.

Wargeyska caanka ka ah dalka Talyaaniga ee Tuttosport ayaa daaha ka qaaday qish weyn oo uu ka helay saddexda xiddig ee iskugu soo hadhay kama dambaysta tartanka abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or.

Waxa laga joogaa mudo 11 sano ah markii uu Ricardo Kaka ku guuleystay abaalmarintan waxaana intaas kaddib si is weydaar ah usoo hananayay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo min shan jeer kusoo guuleystay.

TuttoSports ayaa sheegay war farxad gelinaya xiddiga hore usoo hantay abaalmarinaraha xiddiga Yurub iyo abaalmarinta The Best isaga oo ku warramay in Luka tartanka ku jiro balse Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay yihiin kuwo ka hadhay loolanka.

Modric oo kusoo guuleystay Champions League sidoo kalena gaadhay Final-ka Koobka Aduunka ayay saddexleyda tartanku ka dhaxeeyo kula midoobi doonaan xiddiga soo qaaday Koobka Aduunka ee Kylian Mbappe iyo Raphael Varane.

Varane ayaa ah isku darka Modric iyo Mbappe marka laga hadlo dhinaca koobabka waxaana uu daafaca Real Madrid kusoo wada guuleystay Champions League iyo Koobka Aduunka oo ah labada koob ee xiddig kasta uu ku riyoodo.

Mucaashaqiinta kubadda cagta ayay inbadan oo kamid ah dalbanayaan in Ronaldo iyo Messi laga reebo tartamayasha oo ay arkaan weji cusub oo hananaya abaalmarintan.

Modric ayaa loo arkaa shaqsiga ugu dhaw ee soo af-meeri kara sheekada soo taagnayd mudada 10-ka sano ah ee ay Ballon d’Or kusoo xoraysteen kabtanada xulalka Portugal iyo Argentina.