QIRASHO: Waa Kuma Xiddiga Bayern Munich Ka Tirsan Ee Haatanba Is Dhiibay Sheegayna In Liverpool Tahay Kooxda Ugu Cad-Cad Ee Kulanka Anfield Ka Dhacaya.`

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ayaa habeen dambe fooda isku dari doona gegida Anfield kulan mudo dheer la sugayay waxaana haatanba u muuqda mid kulankaas rajo yar ka qaba daafaca Bayern Munich ee Joshua Kimich.

Liverpool ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday heerkii Group-yada ee Champions League balse bandhigooda horyaalka ayaa ahaa mid aan la rumaysan karin iyaga oo 20 guulood soo gaadhay, hal guuldarro soo qaabilay isla markaana kaliya 15 gool laga soo dhaliyay 26 kulan.

Taa bedelkeeda, Bayern Munich ayaa dhibaato soo martay gaar ahaan daafaceeda oo aan nidaam lahayn waxaana ay laba dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyayasha horyaalka Germany ee Borussia Dortmund iyaga oo waliba hal kulan oo dheeraad ah ciyaaray.

Kimmich ayaana aqbalay in kooxdiisu ay xilli ciyaareedkan ka hoosayso heerka ugu sarreeya ee kooxaha ree Yurub isaga oo qirtay in kooxdiisa guusha looga cad-cad yahay isla markaana si gaar ah u carabaabay bandhiga Reds ee horyaalka.

Joshua oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Liverpool ayaa ugu cad cad, Waxa ay guuldaraysteen kaliya hal kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedka oo dhan waxaana ay ogolaadeen kaliya 15 gool, Laakiin marka aad anaga na eego ma nihin kuwo joogtayn uleh sidii hore”

“Haatan, Waa mid waxyar ka duwan, Waa fursad horumar lagu sameeyo oo la raadiyo wadooyin cusub oo lagu guuleysto”

“Waxaan ku dhawnahay Dortmund, Waxaan joognaa siddeed dhammaadka DFB-Pokal waxaanan wali ku jirnaa Champions League sidaa darteed waxkasta ma xuma laakiin waxaan u baahanahay inaanu horumarino qaabka aanu u ciyaaraynay markii hore kahor inta aan nala bar-bardhigin kooxaha ugu fiican Yurub”

Kulanka habeen dambe ayaa ah mid xiisahiisa wadan doona, Bayern Munich ayuu ka maqnaan doonaa daafaca Jerome Boateng halka tijaabo xilli dambe ah la marin doono Kingsley Coman.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa waayaysa adeega xiddiga ugu muhiimsan daafaceeda haddiiba uusan ahayn midka ugu muhiimsan kooxda oo dhan ee Virgil Van Dijk kaas oo ganaax ku maqnaan doona.