QIIRO: Gacalisada Cristiano Ronaldo Ee Georgina Rodriguez Oo Oohinta Xejisan Kari Wayday Farxadii Saddexleydii Ronaldo Iyo Fariin Qiiro Badan Oo Ay Baraha Bulshada Soo Dhigtay.

Cristiano Ronaldo iyo qoyskiisa waxay xalay u ahayd habeen farxadeed si la mid ah kooxda Juventus iyo jamaahiirteeda caalamka ku nool kadib markii uu saddexley goolal ah ka dhaliyay kulankii adkaa ee ay Juventus guusha ka gaadhay kooxda Atletico Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa awooday in uu kooxdiisa Juventus ka soo saaray xalaadii adkayd ee ay ugu jirtay kadib guuldaradii kulankii lugtii hore ee Madrid ka soo dhacday halkaas oo ay Juventus guuldaro 2-0 ahayd kala soo laabtay balse Ronaldo ayaa saddexdii gool ee ay Juventus guusha ku gaadhay waxa uu ku dhaliyay Turin.

Markii uu Cristiano Ronaldo dhamaystiray soo laabashadii kooxdiisa Juventus waxaa oohinta xejisan kari wayday gacalisada xidiga reer Portugal ee Georgina Rodriguez taas oo kadib dareenkeeda ku soo bandhigtay baraha bulshada.

Kamarada ayaa qabtay Georgina Rodriguez oo farxad iyo qiiro la ooyaysa laakiin qoraalkii ay soo dhigtay barta Instagram ayaa muujiyay sida ay u jeclaysatay in Ronaldo uu saddexley goolal ah ku dhaliyay kulankii ay Juventus inta ugu badan u baahnayd.

Saaxiibada Ronaldo ee Georgina Rodriguez ayaa barta Instagram ku soo qortay fariin ay ku bilawday: ” 3-0 kan qofna ma xadi karo, waad u qalantay, ma aha 3 gool ee caawa ee adigu waxaad ugu qalantaa ka go’naanshahaaga ee waxa aad kooxda ku hesho, halka aad joogto, waxaad muunad u tahay ciyaartoyda kooxdaada, tababaraha iyo qof kasta oo anaga ah oo kula dhacsan ee taageerista maalin kasta ah”.

Georgina Rodriguez ayaa qoraalkeeda sii raacisay: ” Ilaahay ayaa og, ilaahay ayaa adiga ku siiyay, sababtoo ah aduunyada kubbada cagta adiga ayaa iska leh. WAANU KU JECEL NAHAY ADIGA.❤️❤️❤️❤️❤️❤️.. Cristianito, Mateo, Eva, Alana, Georgina”.

Cristiano Ronaldo oo dhamaan kulamadii xili ciyaareedkan ee Champions Leauge hore uga soo dhaliyay hal gool oo kaliya ayaa kulankii Atletico Madrid ee xalay waxa uu gool dhalintiisa xili ciyaareedkan ee UCl uu ka dhigay afar gool.

Juventus ayaa ku biirtay kooxaha siddeed dhamaadka UEFA Champons league u soo baxay kuwaas oo isku aadka loo samayn doono maalinta jimcaha iyada oo caawa ay soo kala bixi doonaan kooxaha Bayern Munich-Liverpool iyo Barcelona-Lyon.